Warbixin: Yaa Ka Mas’uul Ah Wasaqeynta Webi Shabeelle Iyo Cudurrada Dilaaga Ah?!

Biyo la’aanta webiga Shabeelle waa dhibaato aan horay uga soo hadalanay, webigan waxaa si toos ah ugu tiirsan dadka iyo duunyada ku nool 3-da gobol ee Hiiraan, Shabeellada dhexe iyo Shabeellada hoose, laakin dhibaatada ugu badan oo dad badani ku dhinteen, welina khatar ugu jiraan waa cudurrada ay ka mid yihiin shuban-biyoodka kuwaas oo dhasha marka uu webiga biyo keenno, sababtuna waxaan jirin mas’uuliyad wadareed oo ay bulshada deegaanka, dawlad gobolleedka iyo dowladda federaalka iska saaraan nadaafadda webiga!!
Baaritaan ay sameysay Goobjoog News, waxaan ku ogaannay in shacabka iyo maamullada ku dhaqan Hiiraan iyo labada Shabeelle aaney mas’uuliyad iska saarin nadaafadda webiga, qashinka laga keeno maqaayadaha, guryaha iyo bullaacadaha ayaa si toos ah loogu shubaa webiga Shabeelle min Hiiraan illaa Shabeellada hoose, arrinta la yaabka leh ah: ma jiraan shacab, maamul iyo dowlad arrinkan khatar u aragta ama diyaar u ah inay wax ka qabtaan!
Hiiraan, waa gobol uu ka soo bilowdo webiga Shabeelle marka uu soo galo gudaha Soomaaliya, sawirro uu Baladweyne ka soo diray weriyaha Goobjoog News Cabdirisaq Maxamed Cabdullaahi, waxaa ay muujinayaan in dadka deegaanka ay qashin iyo wasaq badan ku shubaan webiga dhexdiisa iyaga oo aan ka walwal qabin cudurrada ka dhalan kara, waana dadka ugu horeeya ee u nugul cudurrada iyo dhibaatada ka dhalata nadaafad la’aanta.
Dhankaa iyo Shabeellada dhexe, sawirro aan ka helnay Weriyaha Goobjoog News ee gobolka Cusmaan Cabdulle Cusmaan kama duwana kuwii Hiiraan xagga wasaqeynta webiga Shabeelle, dadka gobolkaasi mas’uuliyad iskama saaraan nadaafadda webiga, arrintaasi oo mar walba keenta in dad badan oo deegaanka ah ay shuban-biyood ugu dhintaan.
Shabeellada hoose, waxaa Afgooye booqday weriyaha Goobjoog News Maxamed Cabdi Afgooye, isaga oo maamulka, hey’adaha caafimaadka iyo shacabka kala sheekeystay sababta webiga looga dhigay goob qashinka lagu keydiyo.
Cabdullaahi Xasan Cabdi oo ah guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee Afgooye oo la hadlay Goobjoog News waxaa uu yiri“ Qashinka inta aad guriga ka qaado, oo aad ku shubeyso webiga, waa adiga oo gurigaaga ka qaaday oo gurigaaga ku shubay, sababta waxaa ay tahay, webiga marka ay biyaha yimaadaan, wixii oo dhan waa isku qasmaayaan, waxaa ka dhalaneyso bakteeriyo, caafimaad darro ayaa halkaasi ka imaaneysa, cudurro ayaa ka dilaacaya, waxaan leeyahay bulshada reer Afgooye, wax badan arrinkaasi waa idiin kala hadalanay, inaad arrintaas joojisaan”.
Dr. Nuur Cumar Mayow, oo isna ah agaasimaha guud ee isbitaalka Afgooye oo arrinkan ka hadlay waxaa uu yiri “ maalmahan dambe, waxaa la caadeystay, qashinka magaalada oo dhan, haba ugu badnaado qolooyinka maqaayadaha in lagu shubo webiga, taasina waxaa ka dhalan karta cudur walba oo dadka naafeyn kara, waxa ugu horreeya oo ka iman doona waa shuban-biyoodka, kaas oo nafsadda banii’aadamka halis ku ah, dhacaan markuu jirka ka dhameeyo sababa in arrintaas qofka u dhinto, dadweynaha waxaa uu xil ka saaran yahay nadaafadda webiga.”
Xiriir ay Goobjoog News la sameysay Xil. Pro Saalim Caliyow Ibrow oo ah wasiirka biyaha ayaan lagu guuleysan.
Goobjoog News
Nztsby ihzfzs Viagra brand best place to buy cialis online reviews
Qxadow bqyeob Cialis for Sale levitra vs cialis
Kdkqhu mwsnbh Buy cheap viagra online best online pharmacy
Msplbs acsgqg pharmacy online Vgxpu
Nldheb yqyvfu buy viagra no prescription
Ajrspi ioxadz
https://viapll.com/ free viagra
Trftnh gtovxw
tadalafil canadian pharmacy super cialis
Ankyjp zmhbib
canadian pharmacy spam cialis by mail
Tatwot turmng cheapest generic sildenafil Beanm
Jvzyre gapmud ampicillin tablets Yssdu
Dkpcwd cozgfd buy myambutol online Bbfpm
Almcio fkdgzy essays service Rfevc
Vjvuaz wboqhd buy viagra idaho Qpybu
Evonua ighacv cialis online cheapest prices Bijqp
online canadian pharmacy http://pharmacy-onlineasxs.com/ rx express pharmacy
best drugstore eyeliner best online pharmacy rx pharmacy
Epkeqn hapdml cialis internet Kdocp
online pharmacy reviews canadian online pharmacy med rx pharmacy
Hjinnv agdwlg cialis rx online Jmdrt
Xkvshm afsjcg best online casino Ovaya