U bood dhigaalka

Warbixinta Baarlamaanka Federaalka Ah iyo Waxqabadkooda 4-tii Sano Ee Lasoo Dhaafay

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo Sabtidii shir ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa xusay sanad guuradii 4-aad markii la sameeyay.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoomiyaha baalramaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxaana xildhibaanada la hor keenay ajande ka kooban illaa 9 qodob oo ay ku jireen; sanadguurada 4aad ee baarlamaanka 9aad ee Soomaaliya, hadal jeedinta guddoomiyaha golaha shacabka iyo qeybinta koobniin warbixinta guud ee hawlqabadka baarlamaanka 9aad ee Soomaaliya laga soo bilaabo kalfadhigii 1-kalfadhiga 8aad.

Baarlamaanka waxaa uu sheegay in ay xoogga saareen hirgelinta qorshayaal ay qorteen sida:

Xeer hoosaadka

Barnaamijka sharcidejinta

Tayo-kobcinta xafiiska guddoomiyaha

Sare u qaadista sugidda ammaanka

Dib u eegista dastuurka

Qaab-dhismeedka iyo shaqaale-u-yeelista xafiiska adeegga baarlamaani

Xiriir abuuris, wartabinta bulshada iyo wacyigelinta,

Xafiiska deegaannada doorashooyinka

Kaabayaasha iyo dhismoyaal

Waaxda barista shuruucda

Adeegga wartabinta, isgaarsiinta iyo tecknolijiyadda casriga ah ICT iyo maareynta xogta. 

 

Baarlamaanka iyo Arrimaha Sharci Dejinta:

Dib u eegis, laalid, waxka badalka dastuurka qodobka 60aad, 67aad, 136aad iyo 138aad ee dastuurka.

Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay 21 sharci oo uu ugu horeeyo xeerhoosaadka golaha shacabka

Golaha shacabka waxaa uu soo saaray 42 qaraar.

Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay ilaa 9 Miisaaniyad iyo xisaabxir sanadeed

Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay ilaa 6 heshiis

Golaha shacabka  waxaa uus sameeyay la-xisaabtan iyo su’aalo weydiin xukuumaddaiyo saraakiisha dowladda ah

Villa Hargeisa:

Baarlamaanka warbixintiisa waxaa ku jirta in Villa Hargeisa ay leedahay 2 hool shirar, labo ka mid ah waxaa ku shiri karaan 150 qof halka midka kale  30 qof ku shiri karaan, masjid, maqaayad, xafiiska guddoomiyaha, ku xigeenka koobaad, 2aad, xafiiska madaxa guddoonka, waaxda ICT, waaxda shuruucda, hab maamuusta iyo warbaahinta, habdhowrka baarlamaanka….iyo xafiisyo kale.

Shaqaalaha Baarlamaanka:

Baarlamaanka 2012kii waxaa ka shaqeyn jirtay ilaa 53 shaqaale, hadda waxaa la sheegayaa in ay ka shaqeeyaan shaqaale gaarayaa ilaa 311 howlwadeen iyo 89 ka mid ah ay yihiin Haween.

Gaadiid:

Baarlamaanka waxaa uu sheegayaa in markii hore ay la wareegeen labo gaari balse maanta ay ka tagayaan ilaa 15 gaari oo isugu jira noocyada xabadaha Karin, kuwa ilaalada, kuwa adeegga oo isugu jira yar yar iyo waaweyn.

Matalaadda shacabka:

Golaha shacabka waxaa uu warbixinta ku sheegay in Xildhibaannada ay tageen ilaa 15 gobol kuwaas oo kala ah:

Awdal, Togdheer, Sool, Sanaag, Bari, Nugaal, Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Shabeellada dhexe, Shabeellada hoose, Bay, Bakool, Gedo iyo Jubada hoose.

Baarlamaanka waxaa uu sheegayaa in ay jireen ilaa 213 booqasho, waxaa sidoo kale jirtay sida ay daabaceen ilaa 58 warbixin iyo Xildhibaanno koox koox ah oo markii ay soo noqdeen warbixin soo gudbiyay.

Dhageysiga Kulamada Dadweynaha ee Baarlamaanka:

Baarlamaanka warbixintiisa waxaa ku jirta in guddoonka uu la kulmay bulshada sida ardeyda Jaamacadaha, Haweenka, Dhalinyrada, ururada shaqaalaha, Naafada, ururada bulshada iyo xisbiyada dalka.

Madaxda Soo Booqatay:

Guddoomiyaha Baarlamaanka Djabuti: Mudane Idiris Arnaud Ali

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Turkiga Mudane Axmed Davutoglu

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta: Mudane Axmed Maxamed Al-Jarwaan

Madaxweyne ku xigeenka dalka Ciraaq: Mudane Iyaad callaawi

 

Isbadalka Xildhibaannada Baarlamaanka 9aad:

Xildhibaannada Geeriyooday:

Mustaf Maxamed Cabdulahi, waxaa lagu badalay Osman Mohamed Abdulahi

Sheekh Nur Cali Adan, waxaa lagu badalay Aden Mohamed Ali

Maxamud Ismacil Barkhadle, waxaa lagu badalay Elmi Mohamed Nur

Maxamed Faarax Jimcaale, waxaa lagu badalay Ubax Tahlil Warsame

Xuseen Cabdislaam Axmed, waxaa lagu badalay Sheekh Axmed Kosar Elmi

Omar Islow Maxamed, waxaa lagu badalay Ahmed Omar Islow

Maxamed Warsame Maxamed, waxaa lagu badalay Abdirisaq Mohamed Warsame

Hasaan Muhumed Ali, waxaa lagu badalay Mohamed Aden Waaberi

Isaack Mohamed Ali Reno, waxaa lagu badalay Raabaca Sheekh Nuurow

Abdirisack Isack Mursal, waxaa lagu badalay Omar Ali isaq

Mohamed Mohamud Heyd, waxaa lagu badalay Saciid Mohamed Mohamud

Saado Ali Warsame, waxaa lagu badalay Mohamud Du’aale Muuse

Sheekh Aden Madeer, waxaa lagu badalay Mukhtar Mohamed Molaim Hasaan

Mohamed Ibrahim Habsade, waxaa lagu badalay Abdweli Mohamed Ibrahim

Abdulahi Qayaad Barre, waxaa lagu badalay Mohamed Ali Daheeye

Abdi Mohamed Ali, waxaa lagu badalay Mohamed Abdi Mohamed

Omar Ali Nur, waxaa lagu badalay Qaasim Ali Nur

Mohamed Du’aale Muse, waxaa lagu badalay Mohamed Hesri Du’aale

Huseen Mohamud Muse Bantu, waxaa lagu badalay Abdulahi Husein Mohamud

Yusuf Dirir Abdi, waxaa lagu badalay Guuleed Hasan Dirir

Abdulahi Huseen Mohamud Muuse, Lama buuxin

Abdi Mohamed Abtidoon, waxaa lagu badalay Abdirahmaan Mohamed Husen Odowaa

Mohamed Ahmed Gurhan , waxaa lagu badaly Mohamed Abdi Mohamed

Sadiq Abdikarim Mohamed, waxaa lagu badalay Cali Ise Nur

Huseein Warsame Samatar, Waxaa lagu badalay Abdi Shire Jama

Abdulahi Jaama Huseen, waxaa lagu badalay Mohamed Aden Qalabxoor

Mohamed Mohamed Guur,

Burci Mohamed Hamze, Waxaa lagu badalay Hasza Saciid Hamza

Xildhibaannada Is Casilay:

Mohamud Ahmed Nur Tarsan, waxaa lagu badalay Osman Mohamud Dufle

Hassan Sheekh Mohamud, waxaa lagu badalay Abdulahi Ali Mohamud

Huseen Khalif Jama, waxaa lagu badalay Abdfitah Muse Nur

Abdiweli Mohamed Ali Gaas, waxaa lagu badalay Yasin Abdi Seed

Bashir Mohamed Jama, waxaa lagu badalay Kassim Mohmaed Jama

Ahmed Ismacil Samatar, waxaa lagu badalay Hasan Mohamud Ali

Siyaad Mohamud Shire, waxaa lagu badalay Faarax Cawad Jaama

Mohamed Qanyare Afrax, waxaa lagu badalay Abdiweli Mohamed Qanyare

Muse Hassan Abdulle, waxaa lagu badalay Maxamud Cali Dhuux

Ismacil Hassan Jama, waxaa lagu badalay Fowsiyo Yusuf Xaaji Aden

Abdulahi Mohamed Hersi, waxaa lagu badalay Abdikarim Daahir Hersi

Cali Khalif Galeyr, waxaa badalay Yusuf Mohamed Ali

Sharif Hassan Sheekh Aden, waxaa badalay Abdukadir Hasaan Sheekh Aden

Bashir Mohamed Jama, waxaa badalay Kasim Mohamed Jama

Hassan Abshir Farah, waxaa badalay Abshir Hasan Abshir Faarah

Kasim Mohamed Jama, Bashir Mohamed Jama

Warbixinno Tixane ah oo la xiriira waxqabadka Baarlamaanka federaalka iyo 4tii sano kala soco, Goobjoog News

W/Q: Abdi aziz Gurbiye,