U bood dhigaalka

Warbixinta Heritage ee Shaqo La’aanta Dhalinyada Amniga Soomaaliya Mudnaansiinta Shaq abuurka si loo gaaro Xasillooni

Machadka Daraasaadka Heritage ayaa waxaa uu soo saaray warbixin cusub oo xoogga saareysa Shaqo La’aanta Dhalinyada Amniga Soomaaliya Mudnaansiinta Shaq abuurka si loo gaaro Xasillooni iyada oo sharaxaad ka bixisay caqabadaha heysta dhalinyarada ee xagga shaqada, shaqo la’aanta iyo amni darrada iyo sida haweenka ay si gaar ah arrimahasi uga dhib qabaan.

Daraasaddan oo ay Heritage Institute ka sameysay Muqdisho, Garoowe, Baydhabo, Kismaayo, baladweyn, Boosaaso iyo Galkacyo ayaa waxaa ka qeyb galay 990.

Qoraal ay daabacday Heritage ayaa sidoo kale lagu xusay in warbixinta la sameeyey Bishii Oktoober ilaa iyo Nofember 2021-kii, iyada oo tirade dadka ka qeyb galay ay ahaayeen: Muqdisho waxa ka qaybqaatay 391 qof, Garoowe waxa ka qaybqaatay 103, Baydhabo iyo Kismaayo waxa ka qaybqaatay 101, Baladweyn waxa ka qaybqaatay 100, halka Boosaaso iyo Gaalkacayo ay ka qaybqaateen 97 qof

Warbixinta waxaa ku jiray, tirakoob dhawaan lagu sameeyay suuqa shaqada ayaa hoosta ka xarriiqaya saamaynta ay leedahay dhibaatada shaqo la’aanta dhalliyarada dalku. Sida ay sheegayso, daraasad 2019-kii lagu sameeyay shaqaalaha xoogsatada ah ee Soomaaliya, oo ay wadarta guud ee dhallinyaradu ahayd 1,896,039, waxa ka shaqaynayey 264,607 qof oo kaliya, taas oo xaddiga dhalliyarada ee aan shaqaynin ka dhigaysa boqolkiiba 86.20 Si kastaba ha ahaatee, waxa laga yaabaa in aanay saxnimada xogtaasi dhammaystirnayn, maxaa yeelay sahankeedu waxa uu ka duulayay qiyaastii tirada dadwaynaha ee la sameeyay 2014-kii.

Xogtu waxa ay muujinaysaa in shaqo la’aantu ku badan tahay dhallinyarada da’doodu u dhaxayso 15-19 sano, sida ka muuqata shaxanka 2-aad, oo qiyaastii ka dhigaya boqolkiiba 95. Shaqo la’aanta hablaha dhallinyarada ah ee da’doodu u dhaxayso 15- 19 sano, ayaa noqday 58.3 boqolkiiba, marka la barbardhigo wiilasha oo noqday 41.7 boqolkiiba. Xaddiga shaqo la’aanta xad dhaafka ah, waxa sababay la’aanta fursado dhaqaale, koboca dhaqaalaha Soomaaliya oo ah mid gaabis ah, una nugul carqaladaha,taanisa waxa ay keentay in shaqo abuurku adkaado

Warbixintan ayaa soo qaadatay Caqabada Dhalinyarada Ka Heysta Suuqa Shaqada iyada Dhallinyarada daraasadda lagu sameeyay ay sheegeen in ay caqabado badan kala kulmaan helitaanka shaqo raadinta, iyaga oo xusay in aanay jirin fursado shaqo oo macno leh, xirfad la’aan shaqo, aragtiyo taban oo ay ka haystaan shaqooyinka qaar, qaraabokiil, arrimo nabadgalyo iyo takoor jinsi. Sida ku cad jaantuska 9-naad, eexda iyo la’aanta fursado

Caqabadaha warbixinta ku qoran ayaa lagu bilaabay  “Sannadihii u danbeeyay, Soomaaliya waxa ay ka soo kabanaysay burburkii dhaqaale ee ku dhacay, iyada oo dhaqaalaheedu kor u soo kacay 2.9 ilaa 3.2 boqolkiiba. Balse tani waxba kamay tarin kor u qaadista shaqo abuurka dhallinyarada. Sannadihii 2020 iyo 2021-kii, Soomaaliya waxa ku kulmay afar masiibo: abaar, fatahaado, xaalufin ayax iyo cudurka Karoonaha. Natiijooyinkii ka dhashay xannibaadaha Karoonaha waxa ka mid ah xayiraadaha isu socodka, xannibaadaha jaranjarada dalabka maciishadda, taas oo keentay in boqolkiiba 0.4 uu hoos u dhaco wax-soosaarka dalka gudihiisu sannadkii 2021-kii, halka uu sannadkii 2020-kii hoos u dhigay boqolkiiba 1.5.

Warbixinta oo caqabada sii dul istaageysa ayaa qortay “Waayadii hore, beeruhu waxa ay ahaan jireen ilaha ugu waawayn ee shaqada, balse waayadan danbe waxa ku yimid hoos u dhac ay sababeen xasiloonidarrada dabadheeraatay ee ka jirta deegaannadii beeraha, waddo xumada iyo in ay yihiin kuwo aad ugu nugul abaaraha iyo fatahaadaha.

Warbarashada ayey ku sheegtay inay keento shaqo la’aan: Nidaamka waxbarashada Soomaaliya ayaa inta badan sabab u ah shaqo la’aanta haysata dhallinyarada dalka. Waxaa loo qorsheeyay in dadka la baro xirfad ay xafiis uun kaga shaqeeyaan , iyada oo muhiimadda ugu yar la siinayo xirfadaha farsamada gacanta iyo hal-abuurka shaqada.

Ugu dambeyntii, caqabada shaqo la’aanta waxay ay warbixinta ku sheegtay in ay qeyb ka yihiin maamul xumida iyada oo qortay “Maamul xumada joogtada ah ayaa caqabad kale oo wayn ku ah suuqa shaqada ee dhallinyarada Soomaaliyeed. Xaaladda dhaqan-dhaqaale ee dalka oo haatan quus taagan ayaa loo aanaynayaa musuqmaasuqa ay wadaan siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta dawladdu.

Shaqao La’aanta Dhalinyarada iyo Amni darrada: Marka loo eego daraasadaha sugan iyo aragtiyaha ku salaysan colaadaha, saboolnimada iyo shaqo la’aanta ayaa in badan loo arkaa in ay yihiin waxyaabaha ugu waawayn ee keena colaadaha. Aragtidan ayaa dabayaaqadii 1990-naadkii noqotay mid cusub oo hanatay dhegaha dadwaynaha, waxaana bogaadinteeda leh Paul Collier oo ay qayb ka ahayd tijaabo daraasadeed oo uu ka sameeyay wajiyada kala duwan ee dhaqaaluhu ku leeyahay colaadaha. Aragtidan ayaa ku doodaysa in xiriir toos ah, oo ixtimaalkiisu aad u heer sarreeyaa ka dhaxeeyo shaqo la’aanta dhallinyarada iyo rabshadaha colaadaha wata.

Dooddan ayaa xiriir toos ah, oo ixtimaalkeedu aad u sarreeyo ka dhaxaysiinaysa bulshada ay ku badan yihiin ragga dhallinyaarada ah ee aan haysan fursado shaqo oo dakhligoodu fiican yahay iyo rabshadaha dagaallada wata , gaar ahaan meelaha ay ka jiraan xaalado nabadgalyo oo liitaa. Collier, dooddiisu waxa ay hoosta ka xarriiqaysaa in shaqo la’aantu tahay isha cuqdadda iyo rabshadaha- iyada oo dhallinyarada bilaa shaqada ah ku riixda in ay ka qaybqaataan rabshadaha iyo in ay ku biiraan kooxaha hubaysan. Shaqo la’aantu waxa ay sii hurisaa kacdoonnada, waxaanay dhallinyarada ku dhiirrigalisaa in ay ku biiraan kooxaha rabshadaha wada, iyada oo u horseedda xag-jirnimo, taasina waa sababta keenta rabshadaha iyo amni-darrada.

Natiijada  Warbixinta waxaa ka mid ahaa:  Marka loo eego natiijada daraasaddan, aad buu u sarreeyaa heerka shaqo la’aanta dhallinyaradu, waxaanu muujinayaa walwal aad u badan. Xogta daraasaddu waxa ay ina tusaysaa in dhallinyaradii la sahamiyay boqolkiiba 69.4 ay ahaayeen bilaa shaqo marka lala barbar dhigo kuwa shaqeeya (Jaantuska 4-aad). Inkasta oo Soomaalida lagu majeerto dad ganacsiga ku fiican, haddana boqolkiiba 8.7 kaliya ayaa ku hawlan arrimaha ganacsiga. In ka badan saddex-meelood laba meelood ayaa dhallinyarada la soo xushay bilaa shaqo ahaa, taas oo muujinaysa in fursadaha shaqo ee xaddidan lagu tilmaami karo arrin khatar ku ah dhallinyarada Soomaaliyeed, una nuglaynaysa in ay ku biiraan kooxaha dagaal oogeyaasha ah, gaar ahaan,kuwa xagjirka ah.

Dhanka Haweenka waxaa la qoray:  Haweenka dhallinyarada ahi si guud ayey ugu dhibban yihiin xaaladda shaqada suuqa ee cakiran, gaar ahaan waxa sii haysta caqabado ay kala kulmaan helitaanka shaqada. Arrintani waxyaabaha ay salka ku hayso waxa ka mid ah dhaqanka bulshada oo inta badan dumarka u jaangooya hawlaha guriga. Daryeelka iyo masuuliyadaha qoyska oo aan lahayn mushaar haweenka lagu siiyo ayaa ka mid ah caqabadaha qotadadheer ee haweenka ka hortaagan in ay shaqo ka helaan suuqa shaqada ee fadhiidka ah. Dumarku waxa ay inta badan ku hawllan yihiin daryeelka qoyska oo ah hawlo shaqo oo aan mushaar lahayn. Taasina waxa ay caqabad ku tahay in ay haweenku ka qaybgalaan shaqooyinka rasmiga ah iyo kuwa mushaarka fiican leh. Marka la is barbardhigo, suuqa shaqo ee ragga iyo dumarka, shaqooyinka rasmiga ah waxa loo doorbidaa ragga.

Warbixinta oo Dhameystiran halkan ka akhriso:

https://heritageinstitute.org/content/uploads/2022/04/Youth-Unemployment-Report-Final-Somali-.pdf