U bood dhigaalka

Warbixinta Maalinta Qaxootiga: Xerada Dhadhaab Waxaa Ku Sugan 231,000

Sheeko:Dalka

Maanta waa Maalinta Qaxootiga adduunka, sanad walba maanta oo kale June 20-keeda ayaa la xusaa, ujeedkana waa sidii indhaha caalamka loogu jeedin lahaa dadka sida xoogga ah lagu barakiciyo.

Warbixinno rasmi ah oo maanta la soo saaray ayaa sheegaya in daqiiqa walba, maalin walba dunida si qasab ah ilaa 31 qof lagu qasbo inay guryahooda ka tagaan.

Xilligan waxaa la xaqiijiyay in dadka guryahooda qasab looga kiciyay ee dunida ku nool ay gaarayaan 68.5 million halka dadka qaxootiga ah lagu qiyaasay 25.4 million.

Sanadkan waxaa la sheegayaa in ay soo kordheen 2.9 Milyan oo qaxooti ah kuwaas oo ka soo-jeeda dalalka  Syria, Myanmar, the Democratic Republic of Congo iyo Sudan.

Dhanka Soomaaliya dad badan oo Soomaali ah ayaa qaxooti ku ah dalalka dariska iyo dalal badan oo caalamka ah, tusaale ahaan dalka Kenya gaar ahaan xerada Dhadhaab waxaa ku jira 231,000 qof oo Soomaali ah.

Sida ay sheegayaan hey’adaha qaramada midoobey dadka gudaha Soomaaliya ku barakacsan waxaa ay ka badan yihiin 1.1 million .

Maalinta qaxootiha ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa iyada oo Mareykanka isaga baxay hey’adda xuquuqda aadanaha, safiirkooda Nikki Haley ayaa sheegeysa in hey’adda aanay u qalmin magaceeda, sababta waxaa ay ku sheegeen waxaa xubno ka ah China, Cuba iyo Venezuela .

Goobjoog News