U bood dhigaalka

Warbixintii “Imisaa La Diley” Ee Bisha December 2015

Waa Mar kale iyo qormadeenii joogtada ah ee Imisaa La Diley, taasi oo bil kasta dhamaadkeeda aan kusoo bandhigno tirada dadka la diley Soomaaliya, inta ay Goobjoog ka warheyso ama diiwaangalisey.

Bisha December 2015 waxaa la dilay Saxafiyiin, Siyaasiyiin, Shaqaale dowlad, Ciidan, dhacdooyinka dhamaan ka dhaca gobollada dalka.

Guud ahaan dhimashada waa 72 qof halka dhaawaca uu yahay 62 qof, Inta badan dilalka dhacay waxa ay u badnaayeen kuwa bartilmaameedsi dad muhiim ah, shiral dhacay iyo aanooyin qabiil.

Hadaba dadkii la diley, goorta la diley , meeshii lagu diley iyo dhamaan xogihii aan ka helney waxaan kusoo koobnay xagga hoose.

December 1, 2015: Wararka  aan ka helany gobalka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegeen  in koox hubeysan ay dileen nin darawal ah oo kaxeeynayey gaari Homey ah, kaasi oo ka mid ah gaadiidka ka shaqeeya inta u dhaxeysa magaalooyin Muqdisho iyo Marka.

December 2, 2015: Kooxo hubaysan ayaa Degmada Dharkiinleey ee Magaalada Muqdisho, waxa ay ku dileen Askari ka tirsanaa ciidamada Dowladda oo Subax waliba gaadiidka lacago ka qaadi jiray. Dilka ayaa wuxuu ka dhacay meel ku dhaw wadada Jaayga Degmada Dharkiinleey, gaar ahaan agagaarka Masaajidka Salaama ee Degmadaasi. Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Saalax Carab,

December 3, 2015: Hindiya Xaaji Maxamed oo ka tirsaneyd Warbaahinta Dowladda Somaliya, ayaa waxay  u geeriyootay dhaawac  culus oo ka soo gaaray qarax, Waxaa kaloo uu dhaawac soo gaaray Cabdisatar.

Qaraxan oo ahaa mid miino ayaa lagu xiray gaarigeeda, oo maraayay Bartamaha Magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Taleex.

December 6, 2015:  Qarax Khasaaro geystay ayaa ka dhacay Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho, qaraxa waa lala beegsaday gaari nooca taraafikada ah oo dad baarayey, waxaaba goobta taagnaa Booliis gawaari baaraya.

Nooca Qaraxa ayaa la sheegay inay aheyd miinada dhulka lagu aaso, waxaana ay ka dhacday meel ku dhaw halka loo yaqaan xero Jarmal ee wadada Warshadaha.

Saddex ruux oo shacab ah oo maraayay wadada ayaa ku dhaawacmay Qaraxaasi, warar kale ayaa sheegay in dhinteen labo ruux oo ka mid ahaa dad meesha maraayay.

December 7, 2015: Taliyahii ciidanka Ilaalada garoonka magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari Korneel Xasan Shire Amaan ayaa  lagu dilay gudaha garoonkaasi.

Askari la sheegay in uu ka mid ahaa ciidanka ilaalada garoonkaasi, islamarkaana shaqada laga ruqseeyay ayaa dilkaasi ka dambeeyay.

Marxuumka ayaa lagu dilay Koontaroolka Koowaad ee garoonka Boosaaso, halkaasi oo howlo shaqo ay ka socotay.

December 8, 2015: Rag Hubeysan ayaa goor habeen ah waxa ay magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose ku dileen wiil dhallinyaro ah, iyaga oo sidoo kale dhaawacay ruux kale.

Qof ku sugan magaalada Marka ayaa u sheegay Goobjoog News, in falkani uu ka dhacay xaafadda lagu magacaabo Baytu-raas, waxaana ay adeegsadeen Bitoolado, iyaga oo dilka ka dib baxsaday.

December 10, 2015: Nawaaxiga Isgoyska Dabka, gaar ahaan Agagaarka Saldhiga Degmada Waaberi, ayaa waxaa ka dhacay Qarax lagu xiray gaari Kaarib ah.

Gaarigaan kaaribka ah ayaa la sheegay in uu wadada maraayay xilliga uu qarxaayay, waxaana saarnaa ruuxa Darawalka ah oo ku dhaawacmay Qaraxa, sidoo kale ruux kale oo shacab ah oo wadada dhinaceeda maraayay ayaa ku dhaawacmay Qaraxa.

December 11, 2015:  Niman bistoolado ku hubeysnaa, ayaa waxay saddex qof ku dileen Magaalada Baledweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo laba kalana lagu dhaawacay. Saddexdan qof, ayaa waxaa lagu dilay Suuqa loo yaqaano (Toora Boorow) oo ku yaala Galbeedka Magaalada Baledweyne. Rasaastii lagu dilay dadkaasi ayaa waxaa ku dhaawacantay laba qof oo kale oo Suuqaasi ku sugnaa.

December 13, 2015: Dagaal ka dhacay baladweyn, 13 kadib ayaa geeriyootay ilaa 30 kale way ku dhaawactay dagaal ka dhashay markii Gableedka Baledweyn lagu dilay askari ka tirsan AMISOM, ciidanka AMISOM ayaa halkaas u tagay in ay kala dhexgalaan ciidamo beeleed halkaas ku diriray.

December 13, 2015: Sida ay sheegayaan dadka deegaanka Meydka ruux Dhalinyaro ah ayaa saaka lagu arkay wadada Jeneraal Daa’uud qaybta ku aadan wadada Warshadaha ee dhabarka dambe ka marta Garoonka Kubadda Cagta ee Stadio Muqdisho.

Meydka ruuxaan lagu arkay halkaasi ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan, dadka qaar waxa ay sheegayaan in ninkaan ay dileen ciidamada Amisom goor habeen ah.

December 14, 2015: Koox hubeysan ayaa  waxay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ku dileen Laba ruux oo u shaqeynayay hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay UNHCR.

Labadaan qof oo mid ka mid ah Haweeney tahay iyo darawalkeeda ayaa la sheegay in gaarigii ay wateen lagu soo hor jaray gaari kale, kadibna rasaas lagu furay.

Magacyada Labadaan qof ee la dilay ayaa lagu kala sheegay Aamina Maxamed Nuur iyo sidoo kale C/risaaq Aadan Cadaawe.

December 15, 2015: Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal  magaalada Marka ee gobalka Shabellaha Hoose ku dhex maray Maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan, kaasi oo sababay khasaare dhaawac u badan.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalkaasi Maxamed Cabdi Xasan ayaa soo sheegay in dagaalka ay ku dhaawacmeen 5 qof oo shacab ah, ka dib markii rasaasta ay guryahooda ugu tagtay.

December 16, 2015: Qof rayid ah ayaa lagu dilay xaafadda Yaakhshiid, koox dabley ayaa dishay.

December 17, 2015: Warar aan ka helnay magaalada Barbara ee gobalka Waqooyi Galbeed Soomaaliya ayaa sheegayey in halkaasi lagu dilay taliyahii ciidanka Birmadka ee degmadaasi u qaabilsanaa maamulka Somaliland.

Mid ka mid ah ciidamada ilaalada u ahaa taliyaha ayaa la sheegay inuu ku toogtay saldhigga dhexe ee degmada Berbera Hortiisa.

December 17, 2015: Askari ka tirsan ciidanka Soomalaiya oo AMISOM ay ku dishay 13 KM

December 18, 2015: 2 askari ayaa ku dhimatay qof shacbna waa ku dhaawacmay qarax ka dhacay magaalada Marka, qaraxa waa la eegtay ciidamada dowladda iyo AMISOM oo dhawaan halkaas u tagay in ay dhexdheaaxdiyaan beelo halkaas ku dagaalay.

December 19, 2015: Xuseen Cali Wehliye (Cirfo), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Galgaduud, ayaa waxaa lagu dhaawacay weerar ka dhacay wadada mashquulka badan Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho. Gudoomiyaha oo watay gaari SURF ahaa, ayaa waxaa lagu horgooyay gaari kale oo kuwa yar yar ah, waxaana xigtay rasaas xoogan oo oodda looga qaaday.

December 19, 2015: Qaraxan oo si weyn looga maqlaya qaybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu ka dhacay agagaaraha Carwada Alkowthar oo ku taala jidka Maka Al Mukarama Ee Magaalada Muqdisho.

5 dhimasho iyo 7 dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa Maka Al-Mukarama, sidaa waxaa xaqiijiyay dad goobjoogayaal ah.

Wararka waxay intaa ku darayaan in Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Waaberi Cali Muuse iyo Milkiilihii Carwada Alkowthar, Ceel-laawe, ay labaduba ku dhaawacmeen qaraxaasi. Sidoo kale waxaa jira ugu yaraan afar askari oo Booliska ka tirsan oo qaraxaasi ku dhaawacantay.

 

December 19, 2015: Buuhoodle oo 30 qof ku dhimatay, dadka deegaanka ayaa sheegay in aan loo tallaabi Karin meshaas oo waxaa maamula Ethiopiya.

“ iyagaa horay waan waan u sameeyay laakiin uma kala sameyn soohdimo” ayuu yiri Max’ed Xasan oo la hadlay Goobjoog News

Maleeshiyaadkaan ku dagaalmaya Boohoodle ayaa isku haya Baraago Biyaha laga cabo oo ku yaalla deegaanada ku dhow dhow Buuhoodle ee ay ku dagaalamayaan.

December 20, 2015: Burcad Badeed Soomaali ah ayaa weerar khasaare sababay ku qaaday Kalluumeysato u dhalatay dalka Iiraan, kuwaasi oo ka kallumeysanayay xeebaha Soomaaliya

Ku xigeenka madaxa ururka kalluumeysiga ee dalka Iiran ninka lagu magacaabo Ali Askar ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay Labo ka mid ah kalluumeysatada qaar kalena lagu dhaawacay weerarka.

December 21, 2015: Cabdirisaq Maxamed Xersi oo u shaqeenayey NISA ayaa lagu dilay Taleex oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

December 21, 2015: Cabdulahi Mumin Nin ka tirsanaa Bangiga dhexe oo lagu dilay xaafadda Nasteexa ee Wadajir.

December 26, 2015: Kooxo hubaysan ayaa Degmada Dharkiinleey ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Millateriga Dowladda Federalka Somaliya.

Dilka Sarkaalkaan ayaa waxaa ka dambeeyay Rag hubaysan oo wata Bistoolado, kuwaasi oo ka baxsaday goobtii ay ku dileen Sarkaalkaasi.

Guddoomiyaha Degmada Dharkiinleey Cumar Macoow Mayre ayaa sheegay Sarkaalka la dilay in lagu magacaabi jiray Canshuur Caraaye Subeyr oo ahaa Laba xidigle ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka, ayna dileen rag bistoolado ku hubeysan.

December 26, 2015: Maamulka Degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay dil degmadaasi loogu geystay sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha degmada Dharkeenley Cumar Mayre Macow oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in sarkaalkaan la dilay lagu magacaabayay Canshuur Caraaye Subeyr oo ahaa Laba xidigle ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka, ayna dileen rag bistoolado ku hubeysan.

December 27, 2015: Shil gaari oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ayaa ka dhacay magaalada Burco ee gobalka Togdheer iyadoo qaabka shilkaasi u dhacay faah faahin dheeraad ah laga helayo.

Gaari yar oo ay saarnaayeen arday ayaa la sheegay inuu ku rogmaday bartamaha magaalada Burco waxaana la xaqiijiyay in halkaasi ay ku dhinteen 2 arday sidoo kalena ay dhaawac yihiin 5 kale.

December 28, 2015: Wararka inaga soo gaaraaya Degmada Balcad Ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxay sheegayaan in mid ka mid ah Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida uu Degmadaasi ku dilay laba qof oo shacab ahaa.

Askarigan, ayaa labadaasi qof ku dilay boosteejada laga raaco gawaarida aadda Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe Ee Magaalada Jowhar.

December 28, 2015: Warar aan ka helnay degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa sheegayey in halkaasi uu ka dhacay qarax Miino oo lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo kolonyo gaadiid ah la socday.

Qaraxan oo loo maleynayo in dhulka lagu aasay ayaa la sheegay inuu ku qarxay gaari xamuul ah oo ciidamada ay sahay ku wateen, waxaana halkaasi ku dhaawacmay 7 askari.