U bood dhigaalka

Wareegga Koowaad Ee Doorashada Maamulka Jubbaland Oo Billaabatay

Sheeko:Dalka

Goor dhaw waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ka billaabatay doorashada madaxweynaha Jubbaland oo ay u tartamayaan Afar Musharrax oo uu ku jiro madaxweynaha iminka talada haya ee Axmed Madoobe.

Xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland ayaa dooranaya madaxweynaha, waxaana doorashada ay tahay mid qarsoodi ah.

Guddiga doorashada Jubbaland ayaa sharaxaad ka bixiyay qaabka ay mudanayaasha u codeynayaa, iyadoo ay codeyn doonaan 74 mudane, waxaana maqan Hal xildhibaan oo guddoonka Baarlamaanka Jubbaland uu sheegay in uu xanuunsan yahay.

Waxaa hadda socota codeynta, iyadoo xildhibaanada warqad musharraxiinta ay ku qoran yihiin qaadanayaan, kadibna meel gaar ah ay la tagaya, iyaga oo soo calaameynaya musharraxa ay codka siiyeen.

Musharraxiinta tartamaysa ayaa kala ah:-

  • Axmed Maxamed Islaam Madoobe
  • Hilowle Aadan Maxamed
  • Cismaan Xuseen Feyruus
  • Maxamed Cismaan Yuusuf

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News