U bood dhigaalka

Wareegga labaad Ee Wadahadallada Kiir Iyo Machar Oo Ka Furmaya Khartuum

Sheeko:Dalka

Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaan in magaalada khartuum  ay ka furmaan wareegga labaad ee wadahadallada lagu dhexdhexaadinayo Madaxweynaha Koofurta Suudaan Salva Kiir iyo Mucaaradkiisa Machar.

Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa martigelinaya wadahadallada u dhaxeeya Madaxweynaha Koofurta Suudaan Salva Kiir iyo mucaaradkiisa Machar, waana wareeggii labaad ee wadahadalka u dhaxeeya labada nin.

Khamiistii la soo dhaafay ayaa waxaa ku kulmay magaalada Adis Ababa Salva Kiir iyo Machar ka dib markii Ra’iisulwasaare Abiy Axmed uu wadahadal u furay, waxaana ka soo qeyb-galay kulankaasi madaxda dowladaha ku mideysan urur goboleedka IGAD.

Kulankii Adis Ababa waxaa uu ku soo dhamaaday fashil wax heshiis ah oo u dhaxeeya labadaan nin kama uusan dhicin kulanka Itoobiya waxaa uu ahaa kulankii ugu horreeyay oo ay is hor fadhiistaan Kiir iyo Machar labo sano ka dib.

Hogaamiyayaasha dowladaha bariga Afrika ayaa waxay dadaal ku bixinayaan sidii loo xaqiijin lahaa nabadda Koofurta Suudaan, ka hor inta aan waddankaasi lagu soo rogin cunno qabateyno caalami ah.

Dowladda Koofurta Suudaan ayaa dhankeeda sheegtay in uu ka dhamaaday dulqaadka ay u hayeen hoggaamiyaha Fallaagada Machar.

Dagaalka Koofurta Suudaan ayaa bilowday sanadkii 2013-kii waxaana ku dhintay tobanaan kun oo qof,halka malaayiin kalana ay ka carareen guryahooda.

Goobjoog News