Waresyiga Cali Xasan Maslax Berdura Iyo Cabdi Casiis Gurbiye Ee Taariikhda SYL

Maanta waa 72 sano guuradii kasoo wareegatay aasaaskii ururkii wadaniga ahaa ee SYL, Munaasabaddan Goobjoog News waxaa ay ku maamuseysaa wareysi laga soo qaaday Mudane Cali Xasan Maxamed (Berdura) oo ka mid ahaa 13kii dhallinyaro ee aasaasay urukii SYl. Waxaa wareysigaa magaalada Qoryooleey ee gobolka Sh/Hoose kaga soo qaaday 2002-dii Cabdi Casiis Axmed Gurbiye.

Gobolka shabeellaha hoose gaar ahaan magaalada Qoryooleey ayaa hoy u noqotay muddo dheer mid ka mid ah 13-kii dhalinyaro ee 15-kii bishii May 1943 Ururka SYL ku dhisay Magaalada Muqdishu.

Cali Xasan Maslax {Berdura} oo xiliga wareysiga la qaadayey da’diisu aheyd  80 jir ayaa 2002-dii Wareysi qiimo badan siiyay Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo booqasho ugu tagay Verdura.

Gurbiye ayaa ugu horeyntii weydiiyay Cali Xasan Maslax Berdura,  Shaqsiyadiisa, Qoyskiisa iyo halka uu Magaca Berdura (Verdura) kasoo jeeda?

Berdura: Waxaan ahay nin reer Mudug ah, yaraantaydii is koris ayaan ahaa, waxaan isku soo maray yaraantaydii Galkacyo, Eyl iyo Hobyo oo aan 6-bilood joogay.

Waxaan soo maray dhowr guur xaaskaygii ugu horeeysay waxa ay aheyd Fadumo Yasin Cali Sharmarke waxaa Adeer u ahaa C/rashiid Cali sharmarke oo marna waalid ii ahaa marna saxiibo ahayn.

Magacyo badan ayaan lahaa Cali Maslax ayaa ka mid ah oo Hooyo iyo Aabo oo dirirsan ayaan dhashay oo markiiba hehiiyay, Cali Cade ayaa ka mid ahaa oo nin Cad ayaan ahay, Cali Waayeel ayaa sidoo kale ka mid ahaa lakiin ugu dambeentii waxaa u xoog batay Cali “Vardura”(khudaare) oo uu ii bixiyay C/qadir Saqaawudiin oo SYL aan wada Aasaasnay waayo marka aan SYl dhisaynay waxaan gadi jiray khudaarta.

Gurbiye: Sababtii iyo Qaabkii aad ku timid Xamar?

Berdura: Waxaan maqli jiray in ninkii xamar tago lacag iyo shaqo ayuu helaa, xitaa waxaan maqlay Talyaaniga dadka lacag ayuu siiyaa, kadib waxaan go’aansaday inaan tago, markab ayuu i saaray Adeer Cali Yusuf oo ahaa Suldaanka Hobyo, waxaan ka degay Ceel-gaab, waxaan ku degay dad aan qaraabo  nahay, waxaan raadiyay shaqo, howlo badan ayaan qabtay ilaa markii dambe aan khudaare noqday Syl-na aan dhisnay, kadib shaqo fiican ayaan helay.

Gurbiye: Waa maxay sababta iyo Qaabkii loo Aasaasay Xisbiga SYL?

Berdura: Horta waxaa ahayn dad dhalinyaro ah oo u dhxeeya 15-21 jir, sedax kooxood ayaa ahayn Awaysiya, Qaadiriya sida {Dahir Xaji Cuman Dhagawayne, Maxamed Xirsi Nuur Sayidiin, Cusmaan Geedi Raage iyo Maxamed C/llaahi farax xayeysi.

Qeyb aqoon yahan ahaa sida{Yaasin Xaaji Cusman, Maxamed Cali Nuur} iyo Aniga iyo Maxamed Hilowle. Marka hore inaga ayaa isbaraarujinay, aaminay micnaha Midnimada, Wadaniyadda, waxaa jiray Gumaysi ba’an Gaadiidka gadaal ayaan ka raaci jirnay Shaneemooyinka gadaal ayaan ka fariisan jirnay, dadkana waa la adoonsanjiray, dadkeena wax wacyi ah ma lahayn marka waxaan go’aansanay in aan dhisno urur siyaasi ah oo aan uga hortagno gumystaha, kadib waxaa dhisnay naadigii SYC oo aan ula jeednay in aan ku qaladno Gaalada.

Habeenkii la dhisayey leegada ma wada joogin 13-ka, balse nasiib wanaag aniga waan joogay waxaan ku dhisnay guri ku yaala Via Roma 15-kii bishii May 1943.

Qodoba badan ayaan qornay ma wada xasuusto balse waxaa ka mid ahaa in dalka gumeystaha laga xureeyo,

  1. Somaliwayn la isu raadiyo,
  2. qaabyaaladda iyo dariiqooyinka laga fogaado.
  3. in dadka wax la baro.

 

Waxaa kaloo ka mid ahaa calanka oo ahaa bil oo tilmaamaysa Islaamka, xidigta oo ah Soomlinimada iyo shanta far oo midnimo iyo wada jir ah.

Mas’uuliyiin baan dooranay, waxaan u gudbinay dowladda ingiriiska nasiib wanaag way soo dhawaysay, kadib waxaan bilownay in aan waxbarashada dhiirigalino, makii dambe oo shacabka nasoo dhaweeyay oo na garab istaagay waxaa u badalnay Xisbigii SYL 1947-dii, waxaa kaloo xafiisyo ku yeelanay gobolada dalka sida Kismaayo, Galkacyo, Baydhabo iyo Baladwayn.

Waxaa layaab lahaa in ururo kale la sameemay sida Iririya lakin masii ragin.

Gurbiye: Maxaa ka xasuusataa Dadaaladii iyo Dagaaladii aad gasheen?

Berdura: Dagaalo badan ayaan galnay waxaan xasuustaa 11-kii Janaayo 1948-dii waxaa dalka soo booqanayey gudi UNada raacsan oo ahaa dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiska, Ruushka, iyo Talyaniga. Maalintas waxay adeegsadeen dadka dabadhilifka ah, waxaan sameenay markiiba boqolkii qofba waxaan u dhiibnay hal hogaamiye , labo calanka sida iyo afar ilaalo ah…aniga calamada ayaan qeybiyay, waxaa dhacay dagaal wayn shuhado badan ayaa noog dhintay, waxaa ka mid ahaa Xaawo Taako., waxaa anaguna ka dilnay dhowr iyo konton, waxaan ku aruurinay bilaajo Carab.

Dagaaladii aan galnay waxaa ka mid ahaa Dhagaxtuur oo aan ku diidanayn in markale dalka Talyaani dib ugu soo laabto. Ingiriisna bandaw ayuu soo rogay, meelo badan oo dalka ka tirsan ayaan kula dagaalnay gaaladii adeer……Dhanka dadaaladii aan galnay waxaa ka mid ahaa angoo UNka u dirnay C/lahi Ciisa Maxamuud oo isaga iyo Aadan Cabdulle Cusman ay ka soo galeen Leegada Baladwayn.

Waxaan Caalamka u sheegnay in aan doonayno madaxbanaani, Soomaaliya waxaa loo ogaaladay ismaamul hoosaad {Daakhiliya}, waxaa sidoo kale Arday minxo (deeq waxbarasho) ah loo diray Yurub iyo Carabta.

Gurbiye: Shacabku waa idiin maamuusay maxaa keenay Musuqmaasuq?

Berdura: Walaahi adeer shacabka waa na ixtirimaa ilaa hadda, bilado sharaf ayaa nala siiyay {aniga waan ka diiday Maxamed Siyaad},  ma aqaano meel uu qaladka ka jiray waxaan 1955-tii waxbarasho cilmiga siyaasadda u aaday Dalka Talyaaniga ilaa 1966-dii aan dalka dib ugu soo laabtay.

Gurbiye: OK. Syl iyo Inqilaabkii Milatari 21-kii bishii October 1969kii?

Berdura:- Haa,  waxaa jirtay in ay noo yeereen Maxamed Siyaad, Kulmiye, Gabayre iyo Caynanshe, waxay noo sheegeen in dalka ka dhacayo Inqilaab aan dhiig ku daadan oo dalka ay isbedel ka samaynayaan… aniga meel cidla ah ayaan ka istaagay waxaa u sheegay in taariiqda xusi doonto khiyaanada ay wadaan…waxaa igu xanaaqay Gabayre oo gacantooda ku sababsaday markii dambe….Siyaad Barre waa i xiray xitaa lacag uu ii balan qaaday aniga ayaa diiday…wax xil inaan qabto walgeey ma jeclayn, daacadnimo ayaan intaan kusoo gaaray adeer.

Gurbiye: ka waran Siyaasadda Somalida maanta iyo Dagaalada Sokeeye?

Berdura: Siyaasad maahan waxa kani waa burcadnimo…waxaa la baneysta dhiiga dadka, xasuuq ayaa socda, danta gaarka ayaa shaqaysa, qarankii si fudud ayaa loo iibsaday….dadakan miyaanay damiir lahayn.

Gurbiye: Soomliya uma bislayn Gobanimo ma saxbaa?

Berdura:  Su’ashan waxaa hortaa xamar igu waydiiyay rag aqoonyahano ah isla jawaabtii ayaan kusiinayaa (Adeer Aadami inaan dhalayno ayaan mooday, balse Daanyeero ayaan dhalnay) , maandeeq ayeey qalad ka fahmeen, xuriyadda waa loo shahiiday.

Gurbiye: ugu dambeentii aragtidaada sidee Dowladnimo lagu helayaa, Maxaase ugu Baaqaysaa Shacaka Soomaliyee?

Berdura: in is aaminad timaado, wada jirkii lasoo celiyo, kitaabka lagu dhaqmo, lakala saaro Qabiil iyo Qaran oo lagu dadaalo walaltinimo, isxaqdhoor, is afgarad,wada tashi……….Waxaan Shacabka ugu baaqayaa in Qabiilka laga fogaado,dadkuna noqdad isku xuquuq lana dhiso Dowlad ku istaagta rabitaanka Umuadda…….waxaad oagataa in Dhalinyarada mas’uuliyad saarantahay.

Wareysiga waxaa qaaday Cabdi Casis Axmed Gurbiye Sanadkii 2002-dii

Goobjoog News