Wareysi: Kenya oo Sheegtay In Kiiska Badda Ay Wada Hadal Kula Jiraan Soomaaliya

Xoghayaha Joogtada Ah Ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya. Amb.Macharia oo wareysi siiyey Citizen TV ayaa ka hadlay kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Halkan Ka Akhriso:

Waxaa jira muran dhuleed u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ah halka xuduuddeennu ay tahay ee dhinaca Badweynta India?

Xaqiiqdii muran badeed waa nagala dhaxeeyaa Soomaaliya laakiin waxaa gadaal ka riixaya hoggaanka Soomaaliya oo ku guul-darreystay waddooyin aad aas-aasi u ah oo ay ahayd inay nala fahmaan waxaa aan dooneyno.

Soomaaliya waa dal aan aad u jecelnahay, Kenya waxay ku maalgelisay dhiig badan iyo hanti Soomaaliya, Dhammaan qoysaskii dadkooda ku waayey Soomaaliya oo Kenyanka ah waan u tacsiyeyneynaa laakiin dadka Soomaaliyeed nagama soo-horjeedaan, caqabadda aan wajaheynno waxay nooga imaaneysaa fasiraadda maamulku u sameeyey muranka xuduudda Sidaa-darteed marka aad la macaamileyso arrin nuucaas oo kale ah waa inaad uga wada hadashaan si go’aan qaadasho leh waana inaad ka wada qeyb noqotaan.

Aan ku xusuusiyo in aan arrintaan xalkeeda ku jirnay 2014 illaa 2015 ka hor intii aysan markiiba na geyn Hague waxaan weyddiinay sababta keeneysa inay nala aadaan Hague, Hague waa Maxkamad miciinsiga ugu dambeeya leh aan marka hore ka faa’iideysanno fursadaha na horyaal si aan uga wada xaajoonno arrintaan sidii deris yeeli lahaa, ha ila tegin Maxkamad annagoo wali ka wadahadleyna muranka aad fahansan tahay inuu jiro taasoo aan ognahay inuusan jirin maxaayeelay waxaa jira Isfahan ah sida xuduudaheennu ay yihiin ee badda bariga xeebaha Africa marka haddii ay tahay Tanzania, Mozambique dhammaanteen waan ognahay waana isku raacsanahay waana ka wadahadalnaa waxyaabahaas sidii dad walaalo ah.

Nasiib-darro Maxkamadda ayaan tagnay laakiin maaddaama aan nahay dal aaminsan sharciga waxaan go’aansannay inaan ku raacno Maxkamadda inkastoo aynaan ku waafaqsaneyn. Inta aysan Maxkamaddu sinnaba ugu dhaqmeyn nidaam khatar nagu ah waxaana billawday calaamado arrintaas muujinaya waana sababta keentay inaan halkaas tagno kuna adkeysanno inaan ka fileynno inaan u wada hadalno si ilbaxnimo leh oo raaceynno sharciga caalamiga ah.

Intaas waxaa dheer inaan wali isku-deyeynno inaan ku dhiirrigelinno saaxiibbadeenna Soomaaliya ee maamulka ku jira inaan u baahan-nahay inaan wadahalno, inaan helno dariiq aan ku xalinno arrintaan waxaana isleeyahay inaan guul ka gaari doonno sida ugu dhaqsiyaha badan si saaxiibtinnimo leh maxaayeelay marka aynaan dhibaato na dhex oollin dadka Soomaaliyeed caqabadaha naga haysta waa maamulka maanta jira Soomaaliya.

Laakiin Soomaaliya ma dooneyso in arrinta wadahadal lagu dhammeeyo oo waxay leeyihiin waxaan ka war sugeynnaa go’aanka Maxkamadda?

Waxaan isleeyahay waa soo dabcayaan marka aan si furan kuula hadlo waxaan ula jeedaa waan wadahadleynaa, dhawaan xoghayaheenna maamulka ayaa Soomaaliya tegay si uu wadahadallo ula yeesho wuxuuna qeyb ka ahaa dad lagu casuumay shirkii horumarinta oo ka caawinaya Soomaaliya horumarka Kenyana qeyb ayey ka tahay si fiican ayaa loo qaabbilay, waxaana la yeelannay wadahadallo dhiggeenna markii aan joognay Hague waqti aan sidaas u sii fogeyn innagoo ka wadahadleynay dib u dhigista dacwadda taasoo si kastaba la baajiyey illaa bisha June waana sidii aan dooneynay marka waan helnay sidii aan dooneynay waxaana isleeyahay dadku waxay soo ogaanayaan in sida kaliya ee aan ku gaari karno halka aan beegsaneynno inay tahay wadahadal walaalnimo oo dhexmara labada qaran. Sidii aan sheegayna waa mid aqliga ka fog in loo qaato in dhibaato naga dhaxeyso annaga iyo Soomaaliya dad ahaan maxaayeelay waxyaabo badan ayaa naga dhaxeeya ganacsiga baaxadda leh iyo iskaashiga halkaas ayuuna noo sii ahaan doonaa.

Ma u hogaansameysaan go’aan kasta oo kasoo baxa Maxkamadda?

Ugu horreeyn, xukunku ma dhacayo bisha Juun dacwadda ayaa billaabaneysa Juun mana ogin waqtiga ay qaadaneyso dacwadda waana mid qaadaneysa muddo waxayna xaqiiqdii ku xiran tahay sida ay ula yimaadaan go’aan waxaana markaas ka fikiri doonnaa natiijo kasta oo kasoo baxda, annaga go’aan ayaan ka qaadaneynaa, waa go’aan aan u madax-bannaan nahay sida aan u qaadanno go’aanka maxkamadda marka waqtigaas la gaaro taasoo ay naga xigaan illaa laba sano haddiiba aysan sannado ahayn markaas keddib ayaan go’aan qaadaneynaa.

Sidee ku tilmaami lahayd xiriirka ay Kenya hadda la leedahay Soomaaliya?

Waxaan dhihi lahaa xoogaa waa wanaagsan yahay laakiin inta hoggaamiyaasheennu ay wadahadlayaan, inta aan awoodno inaan isu soconno, inta dadkeennu wada-ganacsanayo maxay tahay xiriirka ka wanaagsan oo aan yeelan lahayn waxaan ula jeedaa waa wax ay tahay inaan ka wada shaqeynno waxaana isleeyahay sidii aan iriba dhibaatadu ma aha dadka ee waa maamulka.

Goobjoog News

W/Q: Bashiir Maxamuud

Related Articles

13 Comments

    1. Goobjoog waa war baahin dadku aad ugu xiranyihiin lkn waxaad moodaa inay dagaal kula jiraan dawlada hadda soomaliya ka talisa hadda waxaan la yaabanahay ciwaan warka iyo wuxuu ka hadlay guud ahaan way iska soo hor jeedaan
      Ani waxaan layaabanay war baahinta kenya waxay ku jirtaa dagaal iyo sidii badda kenya ku heli lahayd war baahinta sooomaliya gaar ahaan boogjoog inay soo qoraan ama soo baahiyaan wax dawlada lid ku ah
      Waxaa la idinka rabaa inaad dhaxdhaxaad ahaataan marna wax dawladu ku qaldantahay dadka u sheega marna wanaag ay samaysay sheega waad mahadsantihiin

  1. Safiirka Mareykanka maxaa soo dhex geliyay dacwada badda ee nagala dhaxeysa Kenya, haddana hortaal Maxkamadda Caddaaladda ee Caalamka –International Court of Justice?
    Soomaaliya hadda ka hor baa Kenya laga siiyay N.F.D.
    Haddana waxaa la rabaan in baddii Soomaliyeed loo loogo Kenya.
    Micne sameyn meyso: Safiirka Mareykanka wuxuu arkay Farmaajo iyo ma arkin Farmaajo. Taas waa qiil iyo qorshe lagu jiha wareerinaayo shacabka Soomaaliyeed. Safiirka Maretykanka Kyle McCarter Muqdisho wuu yimid, amarkii uu Farmaajo u sidayna wuxuu uugu dhiibay la-taliyeyaashiisa. Taas waxay la mid tahay isagoo Farmaajo amarka farta ka saaray.
    Nuxuraka arrinkan waxa weeye in Farmaajo uu amar ka helay Mareykanka oo la faray inuu dacwada badda ka soo celiyo maxkamada ICJ. Farmajana amarkaas waa uu qaatay oo waa ka dacwadii badda hadba dib u dhigaya.
    Codsi hore oo Kenya ku codsatasy in dacwada sannad dib loogu dhigo , Maxkamada ICJ waa diidday oo laba bilood oo qura ayaa dib loogu dhigay.
    Codsi labaad ayey Kenya keentay oo ay ku rabto in dacwada sannad dib loogu dhigo. Sidaas baa dacwadii siddeed bilood (8 months) dib loogu dhigay.
    Dhaqanka soo jireenka ah ee maxkamadaha waxa weye: codsiga kowad ee lagu weydiisto dib-u-dhigid dacwo muddadii laguugu siiyay, codsiga labaad waxaad ku heleysaa
    muddo ka yar tii aad ku heshay codsigii kowaad.
    Hayeeshee, codsigeedii labaad ee diibu-dhigidda dacwada, Kenya waxay ku heshay siddeed bilood (8 months) oo dibu-dhigid ah. Waaba muddo aad uga badan dibu-dhigiddii ay ku heshay codsigii kowaad oo ahayd laba bilood. Taasina ma suurta gasheen haddii aan oggolaansho laga haysan dhinaca kale oo Soomaaliya ah. Halkaas waxaan kala soo baxeynaa in Farmaajo uu qaatay una hoggaansamay amarkii safiirka Mareykanka ee ahaa in dacwada laga soo celiyo maxkamada ICJ. Farmaajo farafareyn iyo xagal daacin buu ku wadaa dacwada badda Soomaaliya oo ka furan Maxkamada Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ).

    Kenya waxay Farmaajo u ballan qaaday:
    A. Inay ka hor wareejineyso Axmed Madoobe,
    B. In beesha Farmaajo la gelinayo kaalinta beesha Axmed
    Madoobe,
    C. In Kenya ay Farmaajo siineyso taageero weyn si’ uu ugu
    guuleysto doorashada madaxweynenimo ee 2021.

    Farmaajana waxaa laga rabaa, uuna hadda ku mashquulsan yahay, inuu dacwada baddii Soomaaliyeed ka soo celiyo Maxamadda Caalamiga ee Caddaaladda (International Court of Justice).

    Waa kaa Farmaajo hadda wada farafareynta dacwada badda.

    Waxaa Farmaajo beddelay saddexda ballanqaad ay Kenya u sameysay iyo amarka safiirka Mareykanka ee Kenya oo ah Ambassador Kyle McCarter.
    Soomaali baddeeda ha u tashato. Farmaajo baddaas wuu iib geeyay e.
    Madaxda Farmaajo la shaqeysa oo ku hareereysan, sida Raiisulwasaare Xasan Cali Kheyre, wasiirrada iyo ta-taliyeyaasha Farmaajo ayaa laga doonayaa inay qorshaha Farmaajo dhicis ka dhigaan oo ay siiriga ku yeeriyaan. Intaas laga ma waayi karo mid ama qaar waddaniyiin ah oo taariikhda ku gal fashilinta qorshaha Farmaajo oo ah in baddii Sooomaliyeed Kenya loo loogo.

    WHERE ARE THE WHISTLE BLOWERS?!

    MA BADDEENII OO DHACAN BAA CIDI DHAGAX U TUUREYN!

    AX YAA WADANII.

  2. Kaba soo qaad in Uhuru Kenyata uu Farmaajo u soo jeediyay qorshahan ka kooban saddexda rac:

    A. Ninyohow aan kaa hor leexiyo Axmed Madoobe. Adiga qof aad si’ weyn ugu kalsoon tahay u dhiibo jagada madaxweynenimada Jubbaland.

    B. Kenya waxay beesha aad ka dhalatay ka dhiganeysaa saaxiibka kowaad oo lagu tallaalayo halka ay maanta joogto Beesha Axmed Madoobe, taasoo aan masraxa ka saareyno.

    C. Kenya waxay kugu taageraysaa (abaabul ahaan iyo dhaqaale ahaanba) inaad ku guuleysatid tartanka doorashada madaxweynenimada ee kugu soo fool leh bilowga sannadka 2021.

    Farmaajow, taageeradaas saddexda rac ka kooban ee Kenya waxaad ku heli kartaa adigoo sameeya hal arrin oo iska sahlan:

    — Kuma lihi bad Soomaaliyeed Kenya u saxiix oo ka noqo dadaalka ay dawladdaadu ugu jirto inay baddaas u soo dhiciso Soomaaliya.

    — Kuma lihi badda Soomaaliyeed u hibee Kenya.

    Keliya waxaad oggolaataa in dacwada badda lagu dhammeeyo meel aan aheyn maxkamada Hague ay hadda hortaalo. Waxaad oggolaataa keliya in dacwada badda sulux iyo wanaag iyo saaxiibtinnimo iyo wadahahadal lagu dhammeeyo, sida ay kuu soo jeediyeen saaxiibbadaa: Siisiga Masar, Abbiy-ga Itoobiya, Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika iyo Madaweynihii hore ee Koonfur Afrika.

    Warqaddas yar ii qor, aniguna waxaan kaa ballan qaaday inaan kuu fuliyo saddexda ballan

    ee A. iyo B. Iyo C. ee kor ku taxan.

    Iyadoo la ogsoon yahay inay intaas jirto, weyddintu waxay tahay:

    Farmaajo ma diidi karaa qorshahaas geedeysan oo weliba malabeysan?

    WAA TAA WEYDIINTU.

    SIda ay aniga ila tahay arrinkan Farmaajo dabcan tolkii buu kala tashanaya ee keligii go’aan kama gaarayo.

    Waxaa miisaanka saaran waa: Mustaqbalka tolkii oo la hagaajinayo iyo madaxweynenimada oo loo cusbooneysiinayo afar sanoo kale.

    Reer Gedo maxay ku talin doonaan. Farmaajo go’aan noocee ah buu gaari karayaa?

    Inta aadan ka jawaabin weydiintan masiiriga ah, tixgeli:

    In Gedo ay tahay dhul abaareed oo noloshuna adag tahay.

    In dawladda Kenya cadaw u aragto beesha ugu tunka weyn gobolka Gedo aadna u takoorto, ciriiri badanna saarto.

    In Maxamed Siyaad Barre uusan weligii wax muuqda u qaban gobolkas.

    In Farmaajo uu yahay madaxweynihii labaad ay reer Gedo ku yeeshaan hoggaaminta qaranka Soomaaliyeed.

    Sida ay la tahay qoraha maqaalkan, arrimaha kor ku xusan oo dhan waa wax dhacay oo uu Farmaajo maanta dhex maquurayo. Maaha wax malawaal ah.

    Waxaana u daliil ah in codsigii hore ee Kenya uu ahaa in dacwada dib loo dhigo ilaa hal sano. Taa lagama yeelin oo laba bilood baa dib loo dhigay.

    Mar kale ayey Kenya weydiisatay in dacwada dib loogu dhigo.

    Caadiyan, sida lagu yaqaan maxkamadaha, codsiga kale ee dambe waxay aheyd in Kenya la siiyo muddo ka yar tii labada bilood aheyd. Matalan in dib loogu dhigo bil kale amaba bil iyo bar. Haddase siddeed bilood (8 months) baa dib loogu dhigay Kenya.

    Amuurtan dibu-dhigidda siddeeda bilood ah maaha wax caadi ah. Waa wax ay oggolaatay Dawladda Soomaaliya. Si’ kastoo loo qariyo ama loo inkiro. Sideedabana, qaris waa khiyaano bilowgeed. (Secrecy in similar cases as this often denotes treason).

    Waaya-aragnimadeyda gar-yaqaannimada ah baa intaas ii iftineysa.

    Dibu-dhigidda madasha dacwada badda ay Maxkamadda Caddaaladda ee Caalamiga ah ay 8 bilood dib u dhigtayna, waxay marag u tahay in Farmaajo uu farafareyn ku bilaabay dacwada baddii Soomaliyeed. Farafareyn bilaabatayna waa adag tahay si’ loo joojiyo.

    Famaajo madaxweynenimadiisa iyo danta tolkii miyaa kala weynaatay difaaca baddii Soomaaliyeed?

    Waxse halis weyn ah oo laga yaaba inay ka hoos baxdo Farmaajo oo aan aqoon iyo waaya-aragnimo u laheyn shuruucda maxkamadaha, in maalintii uu saxiixo warqadda ah in dacwada dib looga soo celiyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ee ku taal magaalada Hague ee dalka Holland, maalintii uu Farmaajo oggolaado in dacwada badda lagu dhammeeyo maxkamadda dibeddeeda, UHURU KENYATA wuu ka noqonayo saddexda ballan oo Farmaajo lagu hawl geliyay. Dacawadana dib loogu ma celin kari doono maxkamadda ICJ (International Court of Justice). Fudeydka Farmaajo iyo xanuunka xagga maskaxda ee autism-ka ah ee lagu xanto, baa taas suurtagal ka dhigeysa.

    FARMAAJANA WUXUU KU DAMBEYN DOONAA MID IF IYO AAKHIRABA LUMIYAY: (khasira-dunyaa wal aakhira daalika huwal khasraanul mubiin.).

    Allow ka yeel inaan qaldanahay, uu Farmajana yahay diric waddani ah oo aan la loodin karin. Inkastoo hadda la loodiyayba, markii uu Kenya u oggolaaday siddeed bilood (8 months) oo ah dibu-dhigid dacwo.
    Haddii hanqaltaagga xunee Farmaajo uu run yahayna, Allow sharkiisa iyo shiqoolladiisaba isaga ku rog.
    Soomaali meel kastoo ay joogtaba ha tashato. Baddii Soomaaliyeed, sida muuqata waa sii
    SALAG LEEDAHAY!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW