U bood dhigaalka

Wareysi : Waayo Arag Soomaaliyeed oo Ka Taariikheeyey Magaalada Gabileey

Sheeko:Dalka

GabileeyWariyaheena Hargeysa Cumar Seerbiya oo maalmahan socdaalo shaqo ku marayay meelo kale duwan oo ka mid ah gobolada Waqooyi ayaa meelihii uu tagay waxaa ka mid ah magaalada Gabileey, halkaasi oo uu kula kulmey nin oday ah oo ka mid ah waxgaradka magaaladaasi.

Ninkani oo lagu magacaabo Shacbaan Cali ayaa ka sheekeeyey taariikhda magaalada Gabileey, wuxuuna sheegey in ay tahay magaalo jirto illaa hal qarni.

Gabileey oo haatan dhinac kasta u fidey, islamar ahaantaasna dadkeedu kordheen ayuu odaygani sheegey in ay ku bilaabatay xer halkaasi soo degtey oo uu watay Sheekh Muxumed Cabdalle, halkaasi oo dad badan usoo xireysan jireen.

Wuxuu sheegey in isaga uu ku dhashay Gabileey qiyaastii 1940-kii, iskuulkii ugu horeeyeyna Gabileey laga dhisey sanadkii 1953-dii, uuna ka mid ahaa ardeydii iskuulkaasi lagu bilaabay.

Iskuulkaasi macalimiintii wax ka dhigi jirey waxaa ka mid ahaa Maxamuud Axmed Cali oo ah aabaha tacliinta Soomaaliyeed.

Waxyaabaha Gabileey ay caanka ku tahay waxaa ka mid ah dhir la beerey oo magaalada ku taala, taasi oo la sheego in ay beereen dad lamaanayaal is guursaday ah, islamarkaasina maamulkii xiligaasi ee magaalada ay waajid ka dhigeen illaa rubuc qarni ka hor.

Balse Shacbaan fikradaasi mid kasoo horjeeda ayuu qabaa, wuxuuna sheegey in duqii hore ee magaalada Xaaji uu soo rogey dhireynta magaalada, islamarkaasina dad shaqaalaha dowladda hoose ay beeri jireen dhirta, kuwaasi oo shaqadooda lagu siin jirey raashiin.

Geedaha halkaasi ka baxa ayaa waxaa ka mid ah geedka Baxar Saafka iyo mid kale, kuwaasi oo hagaajiyey bilicda magaalada.

Magaalada Gabileey waa magaalo sidoo kale caan ku ah dhanka wax soosaarka beeraha, iyada oo astaanta dowladda hoose ee magaalada ay tahay haruur masaggo iyo sabuul galeey ah.

Dadka caanka ah ee magaalada Gabileey ku dhashay waxaa ka mid ah gabyaagii weeynaa ee Soomaaliyeed Cabdullaahi Suldaan Timacadde.

Dhageyso

Goobjoog News