U bood dhigaalka

Wariyaal Ku Dhaawacmay Weerar Bam Oo Lagu Qaaday Xarunta Radio Gaalkacyo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Wariyaal ka mid ah Radio Gaalkacyo ayaa habeenkii xalay ahaa ku dhaawacmay weerar Bam oo ay ku qaadeen rag ilaa iyo heybtooda aan la  garan.

Xilli shaqada Idaacadaasi ay si caadi ah u socotay ayaa la sheegay in Laba Bam lagu tuuray, waxaana halkaasi ku dhaawacmay Laba Wariye.

Wariyaasha dhaawacmay xaaladooda waa ay wanaagsan tahay, waxaana ay yaalaan Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Cabdulaahi Maxamuud Aadan oo ka mid ah wariyaashii dhaawaca uu soo gaaray ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in shaqada Idaacadda ay si caaadi ah u socoto xaaladooda caafimaadna ay wanaagsan tahay.

Qaraxa markii uu xalay dhacay ka dib waxaa xarunta Idaacadda gaaray Ciidamada amaanka oo howlgalo halkaasi ka sameeyay, inkastoo weli dad aan arintaan loo soo qaban.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News