U bood dhigaalka

Wariyaha Goobjoog Cabdifitaax Kalgacal Oo Abaalmarin La Guddoon Siiyay (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Xafalad lagu abaalmarinayo naafada oo ay soo qaban qaabisay hay’adda ayaa EADA ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdishu.

Xafladda waxaa kasoo qeyb galay Ra’isul Wasaare ku xigeen Maxamed Cumar Carte,  Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed(Lehelow,), Wasiirka Waxbarshada Khadar Bashiir Cali iyo mas’uuliyiin kale.

Dadka naafada ah ee abaalmarinta la gudoonsiiyay waxaa lagu siiyay u Ololeynta iyo hor u marinta dadka naafada ah.

Cabdi Fitax Xasan Axmed Kalgacal oo ka tirsan Goobjoog FM ayaa ka mid ahaa dadkii goobta lagu abaalmariyay.

Kalgacal waxaa uu abaalmarinta ku helay arimaha Naafada, Waa uu Kalcagal soo saare ka yahay Barnaamijka Naafada ee ka baxa Idaacadda Goobjoog FM.

Cabdifitax Xasan Axmed”Kalgacal”  waxaa barnaamijka Naafada ku martigaliyay  dad badan oo naafo ah,  waxaa uu ku wareystay dad naafo ah oo nolosha heer ka gaaray.

Goobjoog FM, waa idaacadda kaliya ee sii deyso barnaamij looga hadlo Naafada isla markaana lagu dhiirigaliyo hor u marka.

Cabdifitax Kalgacal waxaa uu Saxaafadda kusoo biiray 2003-dii, waxaa uu ka mid yahay Wariyashii lagu bilaabay Idaacadda Goobjoog  FM2012-kii.

DSCF1165

DSCF1196  DSCF1170 DSCF1185 DSCF1190 DSCF1191 DSCF1192 DSCF1193