U bood dhigaalka

Wariye Cabdisalaan Hareeri Oo Aynu Ka Wareysannay Taariikhda Allaha u Naxariistee Wariye Cawke (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Wariye Cabdisalaan Hareeri oo ka mid ah wariyayaasha Soomaaliyeed ayaan ka wareysannay taariikhda Allaha u naxariistee Wariye Axmed Xasan Cawke oo saaka ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Hareeri oo sanado badan isla soo shaqeeyeen Marxuumka ayaa ugu horeen sheegay in Cawke uu ahaa wariye rug cadaa ah, da’diisana uu ku qiyaasayo 71 ilaa 72 sano sida uu isagaba u sheegay.

“Waxa uu ahaa wariye weyn oo caan ah oo dhulka Soomaalida degto aad looga yaqaano, waxaan da’diisa ku qiyaasayaa isagana ku qiyaasi jiray 71 ilaa 72 sano jir”

“Axmed laga soo billaabo 1972-kii waxa uu ahaa mid inta badan aan ka maqneyn dhegaha Soomaalida, waxa uu ahaa wariye caan ah oo codkiisa aad loo jeclaa, saaka waabarigii ayuu ku geeriyooday magaalada Jigjiga, waxaan ku suganahay magaalada Wajaale oo xadka ku taalla oo aynu sugeyno in Meydka Marxuumka halkaasi lasoo gaarsiin doono, nin wanaagsan buu ahaa, nin ka tilmaaman wariyeyaasha kale buu ahaa, nin dabeecad wanaagsan buu ahaa, Lix Caruur ah buu ifka kaga tagay, xaaskiisana wariye bay ahayd waxaana la yiraahdaa Sacdiyo C/laahi Salaad waxayna joogtaa London”

Hareeri iyo cowkw

“Allaha u naxariisto Axmed Cawke waxa uu ku dhashay magaalada Wajaale, waxa uu ka baxay dugsiga sare Camuud oo ku yaalla duleedka Borama, 1972 ayuu shaqada ka billaabay Radio Muqdisho, waxaan kasoo wada shaqeynay BBC, VOA, Universal Tv, mana ahayn shaqada oo kaliya xiriirkeena ee waxaan ahayn rag asxaab ah oo walaalo ah”

Mar uu soo hadal qaaday Wariye Hareeri barnaamijyadii uu caanka ku ahaa Allaha u naxariistee Wariye Cawke ayaa waxa uu yiri “Wax kasto oo uu akhrinayo hadii ay war noqoto, barnaamijyada madadaala wax walba dadku aad bay u jeclaayeen, waxa uu ahaa nin aad u kaftan badan, kuna fiican barnaamijyada madadaallada ah, Axmed waxa uu iiga sheekeeyay in barnaamijkii i maqashii i madadaali ee Radio Muqdisho markii uu billaabay ay dadku aad uga heleen, halka sida aadka ugu weyn loogu bartay Axmed waxay ahayd dagaalladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya 1977 oo uu ahaa nin soo jiitay dhegaha dadka Soomaaliyeed oo dhan, waliba faalooyinka uu xilligaasi akhrin jiray” ayuu yiri Hareeri.

Allaha u naxariistee Wariye Axmed Xasan Cawke ayaa saaka waabarigii ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxaana la filayaa in lagu aaso Somaliland.

Riix halkaan si aad u dhageysato Wareysiga aynu la yeelanay Wariye C/salaan Hareeri.

Wareysi Qaade: Wariye Cawil Cali Jaamac

Garoowe, Nugaal

Goobjoog News