U bood dhigaalka

Wariye Farxiyo Mire Oo Lagu Dhaawacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Nin hubeysan ayaa la sheegay in uu wadada Makka Al-mukarrama gaar ahaan nawaaxiga Isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho uu ku dhaawacay wariye Farxiyo Mire oo ka howlgasha warbaahinta dowladda.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Fraxiyo ay dhaawac ka tahay Lugta iyo dhanka caloosha, waxaana dhaawaceeda ka hor la tilmaamay iney murmeen ninkaasi.

Waxaa loola cararay xarun caafimaad, iyadoo dhanka kale la sheegay in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen ninkii dhaawacay wariye Farxiyo.

Ma jirto weli faah faahin intaan ka dheer oo laga bixiyey dhaawaca Wariye Farxiyo Mire.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News