U bood dhigaalka

Wariye Ka Tirsan Goobjoog FM oo Laga Soo Siidaayay Xabsiga Jowhar

Sheeko:Dalka

Wariyaha Goobjoog ee gobolka Shabeelada Dhexe Aadan Xuseen Daa’uud ayaa xalay saqdhexe laga siidaayay xabsiga magaalada Jowhar kadib markii maamulka dowladda federaalka ee gobolkaasi ay shalay xabsiga u taxaabeen.

Wariyaha ayaa waxaa lala xirey tifaftiraha idaacad halkaasi ku taala oo lagu magacaabo Radio Asal, Cabdishakuur Cabdullahi Axmed, kaasi oo laftiisa horey u ahaa warihii Goobjoog FM ee magaalada Garoowe, balse hadda ku sugan magaalada Jowhar, waxaana la sheegey in sababta loo xirey ay la xiriirtey kadib markii ay isku dayeen in ay tabiyaan mudaaharaad dowladda looga cabanayo oo ka dhacay magaalada Jowhar.

Sida uu Goobjoog News u sheegey Aadan Xuseen Daa’uud , waxaa la siidaayay kadib markii uu amar bixiyey guddoomiyaha gobolka Cali Xuseen Guudlaawe “Xalay saqdhexe markii ay ahayd 2-dii habeenimo ayaa nala siidaayay kadib markii uu taleefoon soo direy guddoomiyaha gobolka Guudlaawe, shalay markii nala soo xirayay taliyaha saldhigga waxa uu noo sheegey in aan ku xiranahay amarka guddoomiyaha, markii aan guddoomiyaha weeydiiney waxa uu noo sheegey in uusan waxbo kala soconin xariggeena” ayuu yiri Aadan.

“Qofna xabsi lagama siidaayo 8 saac habeenimo, waxaan ku dhahnay xiligan qofne lama siidaayee armaad hawl kale damacsantihiin, balse si nabdoon ayay guryaheena nagu geeyeen ciidamada” ayuu intaasi ku daray wariyaha oo sidoo kale sheegey in aanan wax dhib ah loo geysanin jir ahaan.

Banaanbax Rabshado Wata

Boqolaal dad ah ayaa shalay banaanbax cabasho ah ka dhigey xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar, iyaga oo ka sheeganayay askarta dowladda federaalka.

Banaanbaxa oo rabshado watay ayaa waxa uu ka dhashay kadib markii nin askari ah uu toogasho ku diley nin shacab ah maalintii khamiistii oo ahayd 16-kii bishan July , kadibna uu askarigii baxsaday, taasi oo keentey in shacabka ay banaanbaxa dhigaan.

Ninka la diley oo aanan wali magaciisa helin ayaa la sheegey in uu kala dhexgalay ninka askariga ah oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo nin oday ah oo neef ari ah watay oo uu askariga doonayay in uu lacag ka qaato meel u dhow suuqa caanaha ee Horseed, kadibna uu askarigii rasaas ku furey ninkii dhexdhexaadinta galay.

Illaa 37 qof oo rag ah iyo 60 dumar ah ayaa loo xirxirey dhacdadan, waxaa kale oo xabsiga laga siidaayay illaa 8 caruur aan qaangaarin oo mudaaharaadka ka qeybqaadatay.

Ciidamada ayaa isticmaalay rasaas noolnool oo kor loo ridayay si ay dadka ku kala ceeyriyaan, iyada oo shalay uu xirmey qeybo ka mid ah suuqa Jowhar maadaamaa ay dadka dhagxaan tuurayeen.

Dowladda ayaanan soo qabanin ninkii falka geystey, balse waxaa lasoo xirey xaaskii iyo carruurtii askariga.

Goobjoog News