U bood dhigaalka

Wariye Ka Tirsan Goobjoog Fm Oo Lagu Xiray Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabad sugidda ayaa godka jilacow waxay ku xireen wariye C/weli Jaamac Barre oo ka tirsan Goobjoog Fm.

Wariyaha oo uu wehlinayey wariye madax bannaan oo lagu magacaabo Sakariye Xuseen Maxamuud (Macrauuf) ayaa xalay lagu xiray godka Jilacow ee magaalada Muqdisho.

Ma cadda ulajeedka loo xiray wariyeyaashan, hase ahaatee maamulka Goobjoog ayaa wada dadaallo lagu doonayo in lagu sii daayo wariyeyaashan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News