U bood dhigaalka

Wariye Ka Tirsan Goobjoog Media Group Oo Xabsiga Laga Sii Daayay

Sheeko:Amniga

Wariye Cali Aadan Muumin oo  ka tirsan Goobjoog Media Group ayaa xabsiga laga siidayay, ka dib  maalinimadii Arbada la horgeeyay Maxkamadda.gobalka Banaadir.

Cali ayaa waxa uu maalinimadii  arbacada uu ka soo muuqday Maxkamadda gobalka Banaadir , assagoo lagu soo eedeeyay aflagaado iyo waxyaabo la xariira Imtixaanka wasaaradda waxbarashda. ee dugsiyada sare ee sanad waliba ay qaado.

Garsoorka ayaana  laalay dacwadihii lagu soo eedeeyay Cali,waxa uuna cadeeyay in eedeeymaha la hor keenay aan dacwad  la oran Karin, waxa Garsoorka uu laamaha ammaanka uu faray in Wariye Cali Aadan xoriyaddiisa dib loo siiyo maalinta jimcada marka uu soo dhamaado Imtixaanka Wasaaradda waxbarashada ay  qaado sanad waliba.

Goobjoog News