U bood dhigaalka

Wariye Ka Tirsan Goobjoog Oo Lagu Qafaashay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa gelinkii hore ee maanta waxa ay duleedka magaalada Muqdisho ku qafaasheen wariye Hanad Cali Guuleed oo ka tirsan Goobjoog Media Group.

Hanad xilliga la qafaalanayey waxa uu kusoo socday xarunta dhexe ee Goobjoog, si uu howl maalmeedkiisa u guto.

Marwada wariye Hanad Cali Guuleed, ayaa inoo xaqiijisay in habeenkii xalay ahaa oo dhan Taleefan laga soo wacayay walibana loo hanjabayey arrimo la xiriira howlo Bini’aadannim oo maalmaha wadey, balse lama oga cidda u hanjabtay Mr. Guuleed.

Illaa iyo haatan raggan hubeysan ee kaxeystay Hanad Cali Guuleed lama oga halka ay ka tirsan yihiin iyo waxa ay yihiin, balse waxaa socda dedaal badan oo lagu baadigoobayo Wariyaheena.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News