U bood dhigaalka

Wariye MM Macallin Oo Maanta Ku Geeriyoodey Magaalada Nairobi

Sheeko:Dalka

Allaha u naxariistee waxaa isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday wariye Maxamuud Maxamed Macalin, halkaasi oo uu ku xanuunsanayey.

MM Macalin ayaa ka tirsanaa wariyeyaasha ka howlgala wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, waxaana maalmo badan ku xanuunsaday Muqdisho, iyadoo markii dambe loo qaaday magaalada Nairobi.

Liibaan Cabdi Cali, agaasimaha Tv-ga qaranka oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in MM Macallin uu ahaa shaqsi muddo badan kusoo dhex jiray saxaafadda, ahaana rug cadaa saxaafadeed, kana mid ahaa dadka faro ku tiriska ah ee ka haray wariyeyaashii hore ee Soomaaliyeed.

Agaasime Liibaan ayaa sidoo kale inoo sheegay in MM Macallin uu sidoo kale ka shaqeynayey Bangiga dhexe ee dalka.

“Allaha u naxariisto walaalkeen Maxamed Maxamuud Macallin, wuxuu ahaa nin wanaagsan, af gaaban, kana mid ahaa rug cadayaasha saxaafadeed, wax badan ayaa lagu xusuustaa, waxaan ilaahay uga baryayaa Janatul Firdows, waxaan sidoo kale u tacsiyeeynayaa dhammaan ehladii uu ka baxay walaalkeen MM Macallin” ayuu yiri Agaasime Liibaan.

Maamulka iyo shaqaalaha Goobjoog Media Group waxay ka tacsiyadeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Wariye Maxamuud Maxamed Macallin.

Goobjoog News