U bood dhigaalka

Wariye Saciid Yuusuf oo Muqdisho Lagu Dilay iyo Ururada Saxaafadda oo War Ka Soo Saaray Dilka Wariyaha

Sheeko:Amniga

Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu dilay Wariye Saciid Yuusu Cali oo ka tirsanaa talefeshinka Kalsan waxaana dilka wariyaha canbaareeyay ururada u dooda saxaafadda.

Dilka wariyaha oo ka dhacay xaafadda Seybiyaano ee degmada Hoda ayaa waxaa geystay shaqsi Tooreey ku hubeysnaa kaas oo dhowr jeer toreeyay wariyaha keentay geeridiisa.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay shaqsigii dilka geystay islamarkaana lagu wareejin doono hay’adaha garsoorka waxaana maamulka talefeshinka uu marxuumka ka shaqeynayay ay sheegeen in wariyaha markiisii ugu dambeeyay uu tabiyay war la xiriira macallin lagu dilay degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha hoose.

Ururada u dooda saxaafadda ayaa cambaareeyay dilka wariye Saciid Yuusuf Cali xalay loogu geystay magaalada Muqdisho.

“Anaga, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Xiriirka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ), Ururka Saxaafadda Soomaaliyeed (SOMA) iyo Ururka Madaxa-bannaan ee Warbaahinta Madaxa-bannaan ee Soomaaliya (SIMHA), waxaan dhalleecaynaynaa dilkii saxafigii aannu wada shaqeyn jirnay Saciid Yuusuf Cali waxaanan tacsi u direynaa qoyskiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal kooan oo ka soo baxay ururadaasi.

Wariyayaasha ku sugan magaalada Muqdisho ayaa inta badan wajaha dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira dil, xarig, jirdil iyo handadaad.

Goobjoog News