U bood dhigaalka

Wariye Sharmaarke : CID Waxeey I Weydiisay Xabadda Kugu Dhacday Xanuun Miyaa!

Sheeko:Amniga

Askari katirsan ciidamada dowladda ayaa 20-kii bishii march sanadkii tagay 2021 dhaawac u geeystay wariye Sharma’arke Cabdinuur Weheliye, oo ka tirsan howla wadeenada Goobjoog kaas oo aan tan iyo xilligaan aanan helin wax cadaalada.

Wariye Sharma’arke Cabdinuur Weheliye ayaa xilligaas waxaa soo gaaray dhaawac halis ah kadib markii rasaas lagaga dhuftay mid kamid ah gacmaha iyo caloosha.

Laanta dambi baarista ciidamada booliiska ee C I D oo loo gudbiyay kiiska wariyaha ayaa dhankeeda illa iyo hadda wax jawaab ah ka bixinin.

Kadib qaliinno dhowr ah oo uu maray wariyaha ayeey u suura gashay in muddo kadib uu ka soo kabto dhibaatada uu u geeystay askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Sharma’arke Cabdinuur Weheliye ayaa sheegay in laanta C I D uu cadaalad u doontay kadib markii kiiskiisa lagu wareejiyay balse uu cadaalada ka waayay.

“Waxaan noqday sagaaradii cadaaladda u doonatay waraabaha, sababtoo ah markii aan tagay C I D oo la geeyay report-keyga dhan oo la soo maray process-ka su’aashi koowaad ee la weydiyay dadki waxa ay aheyd markii xabadda lagu dhufanaaye ninkaan yaa arkaayay” ayuu yiri wariye Sharmaarke.

Wariyaha ayaa sidoo kale sheegay in C I D ay ka been sheegtay xabadaha lagu dhuftay ee dhaawaca uu ka soo gaaray .

” Hadalka si kale ayaa loo dhigay oo waxaa la dhahay xabada la furay, xabada la furay ma aheyn waxaas waxeey aheyd xabad si kas ah oo maag ah leygu dhuftay, midda kale markii  CID la geeyay sarkaalki ugu sareeyay CID waxa uu dadaka ku xujeeyay in la keeno ninka dhaawaca CID oo ani ah, waxaa macquul noqon weysay in anoo markaas qaliin galay in Ambalce iyo in si kale leygu soo qaado, balse laba bil kadib ayaa anoo lugaheyga ku socdo tagay CID ” ayuu yiri wariye sharmaarke .

Dhibanaha ayaa sidoo kale sheegay in markii uu la kulmay saraakiisha ugu sareysa laanta dambi baarista uu la kulmay ay su’aalo maad ah weydiiyeen.

” Ilaahey mahadiis sarkaalka ugu sareeyo CID ayaa leyla kulan siiyay eraygi ugu xumaa illa haatan maskaxdeyda ku jiro oo aan hilmaami waaye oo uu su’aalaha markii uu i weydinaaye waxa uu i weydiiya su’aal ah ‘Xabadda kugu dhacday xanuun mey aheyd’ waan yaabay waxa uu ii weydiinaayo” ayuu yiri wariye Sharma’arke Cabdinuur Weheliye.

” Waxaan xaqiiqsaday in suxufi soomaaliya ku nool in uusan cadaalad iyo hadda ka qaar oo hadda jagooyinka ugu waaweyn dowladda ka haayo inteey joogaa” ayuu yiri Sharma’arke Cabdinuur Weheliye oo ka tirsan Goobjoog .

Hoos ka daawo hadalka wariye  Sharma’arke Cabdinuur Weheliye.

 

https://www.facebook.com/watch/?v=651235729452811