U bood dhigaalka

Wariye Tooxoow Oo U Xiran Galmudug

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada booliiska degmada dhuusamareeb ay xabsiga u taxaabeen wariye Maxamed Cabdiwali Tooxoow oo ka mid ah wariyayaasha deegaanka.

Xariga wariyaha ayaa yimid kadib markii ciidamada booliiska ay xalay kala baxeen hooygiisa oo uu ku sugna wariyaha.

Illa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xarigiisa, waxaana sawiro la baahiyay ay muujinayaan wariyaha oo labada lugood silsilad looga xiray.

Goobjoog News