U bood dhigaalka

Wariye U Shaqeynayay Dowladda Congo Oo Lagu Dilay Dalkaas

Sheeko:Amniga

Wariye u shaqeeya telefishinka dawlada Congo ayaa geriyooday kadib markii qoorta laga jaray, waxa falkan uu ka dhacay degmada Rutshuru oo ka tirsan Waqooyiga goobolka Kivu, bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, oo ay ka socdaan rabshado, sida ay ilo -wareedyadu sheegeen.

Saxafi la dilay oo lagu magacaabo Hrithier Magayan, waxa uu aha 26 jir ah, waa xaasle iyo aabbe laba carruur ah, wuxuuna tan iyo 2018 -kii ka shaqeynayay xarunta Idaacadda iyo Telefishinka Kongo ee dehmada Ruchuru” sida uu sheegay saaxiibkiis Roger Siberado.

“Waxaan aaminsanahay in dilkiisu la xiriiray arimo sirdoon sababtoo ah waxay qaateen taleefankiisa markii ay dileen,” Ceberado ayaa intaas ku daray.

Mr Magayan wuxuu dhiirrigelinayay barnaamijyo lagu beegsanayo dhallinyarada, isagoo kula taliyay inay qaadaan “waddada nabada” si looga hortago amni-darrada qotada dheer ee gobolka.

Kooxo hubaysan oo kala duwan ayaa ka hawlgala aagga, laakiin ciidanka Koongo ayaa gacanta ku haya aagga dhacdadu ka dhacday, sarkaal haysta ciidmada milatariguna waxa uu sheegay in dilkan u ahaa dembi abaabulan, isagoo xusay in loo baahan yahay in la sugo natiijada baadhitaanka oo la furay subaxnimadii Axadda .

Saddex bilood ka hor, ayaa xaalad degdeg ah looga dhawaaqay gobolka Ituri iyo gobolka deriska la ah ee Kivu si loo soo afjaro dhaqdhaqaaqyada kooxaha hubeysan ee argagaxa ku haya dadka rayidka ah.