Wariye VOA Somali Ka Tirsan Oo Ku Geeriyoodey Muqdisho

Allah ha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho  ku geeriyoodey wariye Axmed Xasan Colaad oo ka tirsanaa Idaacadda VOA, laanta afka Soomaaliga.

Colaad ayaa la sheegay in xalay saqdhexe uu naqaska ku dhegay, kadibna uu geeriyoodey, kahorna ma jirin wax xanuun ah oo uu qabay.

C/qaadir Maxamed C/lle Okey oo kamid ah wariyeyaasha ay isla shaqeeyaan Colaad VOA Somali ayaa u sheegay Goobjoog News, in ay socoto qaban qaabada aaska marxuum Colaad.

Allaha u naxariistee Axmed Xasan Colaad ayaa ifka kaga tagay 4 carruur ah, 2 wiil iyo 2 gabdhood, wuxuuna ka mid yahay suxufiyiinta mudada dheer kusoo dhex jiray howlaha saxaafadda.

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW