U bood dhigaalka

Wariyeyaal Caawa Lagu Xiray Magaalada Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Laamaha amniga maamulka Galmudug ayaa goordhow oo caawa ah xabsiga dhigay wariyeyaasha Cabdullahi Warsame Rooble iyo Maxamed Cabdiwali Tooxow, kuwaas oo ka howlgala deegannada Galmudug.

Wariyeyaashaan ayaa la xiray xili ay ku sugnaayeen magalada Dhuusamareeb caasimadda u ah  maamulkaas, iyagoo dhowaan sheegay wariyeyaashaan in hanjabaad ay ka soo gaartay madaxtooyada Galmudug.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo hadlay xariga wariyeyaashaan ayaa yiri ”  Waxaan ugu baaqayaa maamulka Galmudug iyo Madaxweyne Axmed Qoorqoor in ay xorriyadooda u soo celiyaan wariyeyaasha kala ah Cabdullahi Warsame Rooble iyo Maxamed Cabdi Wali Tooxow ee caawa lagu xiray saldhiga Degmada Dhuusamareeb” ayuu yiri.

Goobjoog News