Wariyeyaal Maanta Maxkamad Lasoo Taagi Lahaa oo Dib Loo Dhigey

Maxamuud CarabMaanta waxaa lagu waday in maxkamadda horteeda lasoo taago 2 wariye oo ka tirsan idaacaddaha hawada ka maqan ee Radio Shabelle iyo Sky Maxamed Bashiir iyo Maxamed Carab, waxaana ugu wacan kadib markii garyaqaankii u doodi lahaa wariyeyaashani uu iman waayay maxkamadda.

Agaasimaha Radio Shabelle Maxamed Muuse oo saxaafadda la hadlay markii dhagaysiga dacwadda lasoo xirey ayaa sheegey in aysan ogeyn sababta qareenka u gooyey, iyada oo maalmihii lasoo dhaafay illaa xalay ay qareenka xiriir la lahaayeen, kuna balansanaayeen in uu xiliga dacwadda soo xaadiro.

Waxaa kale oo maxkamadda lasoo taagay mulkiilaha idaacadda Shabeelle Cabdimaalik kaasi oo hase yeeshee isaga oo banaanka xabsiga ka joogo ay dacwadda ku socoto.

Maxkamadda ayaa waxaa ku sugnaa wariyeyaal badan iyo waliba ehelka wariyeyaasha xiran oo iyagu ka walwalsanaa badqabkooda.

Wariyeyaashan ayaa dowladda Soomaaliya uy xiran muddo 5 bilood ah, iyada oo aysan wali jirin wax xukun maxkamadeed ah oo ku dhacay, dacwaduna tahay mid jiitamaysa.

Dhageyso

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW