U bood dhigaalka

Wariyeyaasha Dhuusamareeb iyo Guriceel oo Shaqo Joojin Sameeyey

Sheeko:Dalka

Kulan ay isugu yimaadeen wariyeyaashaasi ayay ku shaaciyeen inaysan ka shaqeyn karin degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb maadaama ay wada shaqeyn waayeen maamulkii Ahlu Sunna kaga dhawaaqday Dhuusamareeb.

Horay, waxaa Ahlu Sunna ay u xirtay illaa lix wariye mid kamid ah ay tahay dumar kadib markii lagu eedeeyay warar been abuur ay inay faafiyeen.

Cabdifitaax Xasan faarax oo ka mid ah Suxufiyiinta shaqada Joojiyay ayaa Maxamed daahir Dagane ugu waramay taleefoonka waxaana uu marka hore weydiiyay Sababta ay shaqada u joojiyeen

“Isfaham waa ayaa muddo ka dhexjirey maamulka iyo wariyeyaasha, wadashaqayntuna ma ahayn mid hufan, waxaa jirey waraaqo labo bog ka kooban oo ay soo saareen maamulka, waraaqahaas oo wariyeyaasha laga dalbay in ay saxiixaan balse ay diideen, waxa meesha ku qoran waa wax maamulka dantiisa oo kaliya laga eegey” ayuu yiri Cabdifataax oo intaasi ku daray in jawiga hadda jira uusan u suurogalineynin in ay si xor u shaqeeyaan.

Cabdifataax oo agaasime ka ah idaacad ku taala Guri Ceel ayaa laakiin sheegey in idaacadaha maxaliga ah ee Guriceel iyo Dhuusamareeb ay shaqaynayaan, wararka ay tabinayaane yihiin kuwa arrimaha bulshada oo kaliya.

Ahlu Sunna ayaa horey u xirtey illaa 6 wariye kadib markii ay diideen in ay u hoggaansamaan awaamiir loo jeediyey.

Goobjoog News