U bood dhigaalka

Wariyeyaasha Ku Sugan Boosaaso Oo Dhaliilay Wasaaradda Warfaafinta Puntland

Sheeko:Dalka

Wariyeyaasha ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa si kulul waxay u cambaareeyeen wasaaradda warfaafinta Puntland oo xabsiga dhigtay wariye Jaamac Debaraani oo ka shaqeynayay Talefishinka madaxa banaan ee Somali Channel.

Waxay sheegeen wariyeyaashan in hadda la billaabay afka in laga xiro saxaafadda oo gudanaysa waajibkeeda, iyaga oo ilaalinaya sumcadda qarannimo ee Soomaaliya.

Waxay tilmaameen in Puntland ay hadda lasoo baxday weji cusub oo ay kula dhaqmeyso saxaafadda, sida Xarig iyo handadaad.

“Aad baan uga xunnahay wariye Jaamac Dabaraani in maalintii Afaraad xirnaado, saxaafadda hadii aad moodaan inaysan hubeysneen ogaada Qalinka iyo Microphone-ka ayaa hub inoo ah, cabashadeena ayaan meel walba gaarsiineynaa, Wariyaha waxaa loo xiray oo kaliya wareysiga wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya uu la yeeshay, wasiirka warfaafinta waxaan leenahay adiga wariye waad soo noqotay, waa inaad soo deyso wariyaha shuruud la’aan” sidaasi waxaa yiri qaar ka mid ah wariyayaasha Boosaaso.

Dhinaca kale wariyeyaashaan ayaa sheegay in ay doonayeen cabasho inay u gudbiyaan madaxweyne Gaas, balse ayba maqleen in isaga warqad ka dhan ah wariyaha uu soo saaray.

Wariye Jaamac Debraani ayaa la filayay in maalintii shalay ahayd maxkamad lasoo saaro, hase ahaatee waxaa loo gudbiyay xabsi xalaaleen la sheegay in 45 cisho uu halkaasi kusii jiri doono, ka dibna maxkmad lasoo taagayo.

Goobjoog News