U bood dhigaalka

Wariyeyaasha Madaxa Banaan Ee Ka Howlgala Kismaayo Oo Cabasho Ka Ah Maamulka Jubbaland

Sheeko:Dalka

Wariyayaasha madaxa banaan ee ka howlgala magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, ayaa sheegay in cabasho shaqo ay ka yihiin maamulka Jubbaland.

Waxa ay sheegeen in loo diiday inay wararka ka qaataan xafiisyada maamulka iyo sidoo kale mas’uuliyiinta Jubbaland ee xilligii hore wararka sida caadiga ah uga heli jireen.

Mas’uuliyiin ka tirsan ururka Saxafiyiinta Jubbaland ee JIJA oo arrimo amniga uga gaabsaday magacooda inaan baahinno ayaa u sheegay Goobjoog News, in loo cadeeyay in aysan wax war ah ama barnaamij ah ka sameyn karin xafiisyada maamulka, maadaama Jubbaland ay yeelatay Muuq baahiye afkeeda ku hadla.

“Maamulka markii la dhisay illaa hadda weynu ka shaqeyneynay Kismaayo, waxaan tabineynay war warlba oo magaalada ah, sidoo kale mas’uuliyiinta Jubbaland wararka shuruud la’aan ayeey nagu siinayeen, laakiinse hadda waxay inoo sheegeen in gabi ahaanba naga maarmeen, islamarkaana ay heleen muuq baahiye u gaar ah, wixii ay rabaan halkaasi ka sheegayaan, warbaahin madax banaanna shaqo ku lahayn” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah madaxda JIJA.

Goobjoog News ayaa xiriir ay la sameysay wasaaradda warfaafinta Jubbaland u suurta gelin, si aynu wax badan uga weydiinno cabashada ay qabaan wariyeyaasha madaxa banaan ee ka howlgala magaalada Kismaayo.

Marxalad walba oo ka jirtay magaalada Kismaayo iyo wax walba oo ku saabsanaa maamulka Jubbaland waxaa soo baahin jiray wariyeyaasha madaxa banaan, iyaga oo kusoo shaqeeyay marxalado kala duwan.

Goobjoog News