U bood dhigaalka

Wariyeyaasha Soomaaliyeed Ee Ku Sugan Nairobi Oo Ku Baaqay In Lasii Daayo Wariye Jaamac Debaraani

Sheeko:Dalka

Wariyayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa si kulul u cambaareeyay xariga wariye Jaamac Debaraani oo maalintii shalay ahayd ciidamada Puntland ku xireen magaalada Garoowe.

Kulan wariyeyaashaan ay shalay ku yeesheen magaalada Nairobi ayeey ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin xariga wariyaha, waxaana ay sheegeen in taasi ay cadeynayso ku xadgudubka xurriyadda saxaafadda ee Puntland.

“Waxaan ka xunnahay in maamulka Puntland xiro wariye Jaamac Debaraani oo muddo ka shaqeynayay Garoowe, waxaan leenahay sii daaya wariyaha oo dhowra xuquuqda saxaafadda” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah wariyeyaashan oo la hadlay Goobjoog News, kulankooda ka dib.

Ugu dambeyn wariyayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Nairobi waxay si wadajir ah ugu baaqeen maamulka Puntland in si shuruud la’aan ah kusii daayo wariye Jaamac Debraani oo howlo muhiim ah u hayey bulshada Soomaaliyeed.

Warqad kasoo baxday xafiiska wasaaradda warfaafinta maamulka Puntland ayaa lagu amray in lagu xiro Wariye Jaamac Debaraani oo maalmihii ugu dambeeyay la sheegay in goodin xarig ah uga imaanaysa wasaaradaasi.

Goobjoog News