U bood dhigaalka

Warmurtiyeedka Shirka Murashaxiinta: Hala kala diro Guddiyada Doorashooyinka, Gedo loo Daayo Jubbaland

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho lagu soo saaray war murtiyeedka shiraka Shirka wadatashiga murashaxiinta madaxtinnimada Dowladda Federaalka ah.

Waxaa uu u qornaa sidan:

Shirka wadatashiga murashaxiinta madaxtinnimada Dowladda Federaalka ah oo ay ka soo qaybgaleen murashaxiinta kala ah, Shariif Sheekh Axmad, Xasan Sheekh Maxamuud, Xasan Cali Kheyre, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Cabduqaadir Cosoble Cali, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Daahir Maxamuud Geelle, Prof. Maxamad Cabdi Gaandi, Mustaf Sh Cali Dhuxulow, Maxamad Cabdiraxmaan Cali Siiriin, Dr Cabdinaasir Cabdille Maxamed, Xuseen Cabdi Xalane, Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa ku qabsoomay hoteel Aljasiira ee magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay 21-25 Nofeembar 2020.

Lixda maalmood ee uu shirku socday Goluhu wuxuu kulammo wadatashi iyo xogwareysi xaaladda uu dalku marayo, gaar ahaan marxaladda kala guurka siyaasadeed la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada sida, ganacsatada, odayaasha dhaqanka, ururrada bulshada rayidka ah, culimada, haweenka, dhallinyarada iyo warbaahinta madaxa bannaan. Wuxuu kaloo Goluhu kulamo fool ka fool ah iyo kuwo khadka taleefanka iyo aalada fogaan araga la yeeshay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, madaxda dawlad Goboleedyada, iyo beesha Caalamka.

Ka dib markii ay Golaha u caddaatay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si cad u baalmaray heshiiska siyaasadeed ee Golaha Wadatshiga Qaranka uu gaaray 17-kii Sabteembar, 2020, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyana uu ansixiyey 26-kii Sebteembar, 2020.

Ka dib markii uu Goluhu arkay in madaxweynuhu uu jabiyey sharciyada iyo xeerarka ka mamnuucaya shaqaalaha rayidka ah iyo ciidanka qaranka in ay hawl wadeen ka noqdaan doorashooyinka, kuna soo daray guddiyada doorashooyinka ee labada heer xubno ka tirsan Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, shaqaalaha maamulka iyo maamuuska madaxtooyada iyo weliba taageerayaashiisa.

Ka dib markii uu Goluhu ku qancay in madaxweynuhu uu ku takri falay awooddii dowladnimo, dhaawacayna kalsoonidii iyo aaminaaddii shacabka, si bareer ahna u musuqmaasuqayo hawlaha doorashooyinka Baarlamaanka iyo madaxtinnimada federaalka, taasoo dalka u horsoodeysa qalalaase iyo xasillooni darri siyaasadeed.

Wuxuu Goluhu soo saaray go’aannada hoos ku xusan. Go’aannada ku Aaddan Maamulka Doorashooyinka

  1. In la kala diro dhammaan guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo Dowlad Goboleedba, guddiyadana lagu soo magacaabo wadatashi iyo wadarogol dhinacyada ay qusayso maamulka doorashada ee kala ah Dowladda Federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo Golaha Midowga Murashaxiinta, maadaama aan magacaabistooda la waafajin shuruudihii iyo .
  2. In Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, haatanna ka mid ah hoggaanka ugu sarreeya ee dalka isla markaasna ka soo jeeda Gobollada Waqooyi uu sharciyad buuxda u haysto in uu magacaabo xubnaha gobolladaasi ku metelaya Guddiyada Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka ee labada Heer ee Federaal Wuxuu kaloo Goluhu dalbanayaa in doorashada xubnaha Baarlamaanka ee ka soo jeeda Somaliland lagu qabto Teendhada Ciidamada Cirka ee Afisyoone, iyadoo ay goobjoog ahaanayaan wakiillo ka socda Murashaxiinta, beesha caalamka, Booliska Soomaaliyeed iyo kan AMISOM.
  3. In magacaabista xubnaha beelaha Banaadiriga ah ku metelaya guddiyada doorashada loo madax banneeyo odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelahaas, doorashadoodana lagu qabto Afisyoone, goobjoogna ka ahaadaan wakiillo ka socda Murashaxiinta, beesha caalamka, booliska Soomaaliyeed iyo kan AMISOM.
  4. In Dowladda Federaalka ah ay si deg deg ah ugala soo laabato maamulka sharci darida iyo ciidamada ay geysay Gobolka Gedo, si loo ilaayo midnimada Dowlad Goboleedka Jubbaland, maamulkana dib ula wareego deegaanka, si ay ugu suuragasho qabashada doorashada xubnaha Baarlamaanka Federaalka ah ee deegaankaas sida ku xusan heshiiska doorashooyinka.
  5. In xulista ergada ay iska kaashadaan odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee beesha kursiga iska leh, dowrka Dawlad Goboleedyadana ku ekaado diiwaan gelinta sida uu dhigayo heshiiskii siyaasadeed ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu Baarlamaanku wax ka bedelista ku sameeyey.
  6. In madaxda dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan guda gelin qabashada doorasho aan la isku waafaqsaneyn iyo in ay masaafo isku mid ah u jirsadaan murashaxiinta, taageeradoodana aysan ku gaar yeelin murashax gooni ah.
  7. In loo hawlgalo xaqiijinta qoondada haweenka ee 30% ah. 8. In la helo korjoogto ka socota ururrada bulshada rayidka ah, ururrada qareennada, xubno ka socda Golaha Murashaxiinta iyo wakiillada beesha caalamka si loo xaqiijiyo hufnaanta doorashooyinka.
  8. In Guddoonka iyo xubnaha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) ay qaataan kaalintooda ku aaddan ilaalinta ku dhaqanka Dastuurka KMG ah iyo dhammaan shuruucda kale ee dalka gaar ahaan qodobbada khuseeya arrimaha doorashooyinka qaranka.

Go’aannada ku Aaddan Ammaanka Doorashooyinka:

  1. In Madaxda Dowladda Federaalka ah ay ka saaraan dhammaan ciidamada qalabka sida ku lug yeelashada howlaha doorashooyinka, sida uu dhigayo qodobka 127-aad ee Dastuurka.
  2. In iyadoo la cuskanayo mabaadi’da ku xusan dhammaan faqrooyinka qodobka 127-aad ee Dastuurka KMG ah, uu taliyaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu banneeyo xilka hoggaanka NISA, maadaama uu yahay madaxa ololaha dib-u-doorashada murashaxa madaxweyne ee xilkiisu sii dhammaanayo Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo sugo dhex-dhexaadnimada hay’adda NISA.
  3. In amniga doorashooyinka ay sugaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM oo keliya, lagana fogeeyo Ciidanka Milateriga iyo Nabadsugidda.

13.In uu joojiyo madaxweynaha uu xilkiisa sii dhammaanayo Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku takri-falka dhaqaalaha dalka iyo in uu u adeegsado hantida Ummadda, xaafiisyada Dowladda, ciidanka iyo shaqaalaha ka tirsan Dowladda Federaalka ku daneysiga ololihiisa doorashooyinka.

Go’aanno Guud

  1. Goluhu wuxuu ka niyad jabsan yahay in Dowladda Federaalka ay ku fashilantay xaqiijinta himilooyinkii shacabka ee qabashada doorasho qof iyo cod ah. xubnaha Goluhu waxay mustaqbalka xil iska saarayaan xaqiijinta doorasho qof iyo cod ah si shacabka loogu celiyo awoodda.
  2. Goluhu wuxuu isku raacay dhismaha GUDDIGA BADBAADINTA DOORASHOOYINKA QARANKA oo ay xubno ka yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada sida ganacsatada, odayaasha, ururrada bulshada rayidka ah, culimada, haweenka, iyo dhallinyarada si loo xaqiijiyo samata bixinta dalka iyo qabashada doorashooyin heshiis lagu yahay, si xilliga kala guurka ah xasiloonida, amniga iyo midnimada dalka loo ilaaliyo.

16.Goluhu wuxuu ugu baaqayaa madaxda Dowladda Federaalka ah in ay ilaaliyaan xasiloonida dalka, kana fogaadaan garaacista durbaanka colaadda iyo ficillada abuuraya nacaybka iyo xasaradda.

17.Goluhu wuxuu ugu baaqayaa madaxda Dowladda Federaalka in ay furan saaxadda siyaasadeed, ogolaadaan xorriyada saxaafadda oo ay ku jirto warbaahinta qaranka, caburintana ka daayaan hoteellada lagu qabanayo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee la xariira ololaha doorashooyinka.

  1. Haddii Dowladda Federaalka ah ay qaaddo tallaabo lagu taabbagelinayo doorasho aan heshiis lagu ahayn, wuxuu Goluhu caddaynayaa in isaga oo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dawlad goboleedyada uu ka shaqeynayo hannaan doorasho oo dalka lagu badbaadinayo si uusan u dhicin firaaq awoodeed iyo mid dastuuri ah.