U bood dhigaalka

Wasaaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Xaaladaha Coronavirus 24-kii Saac Ee Tagtay Gudaha Dalka

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeellka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixinteeda maalin laha ah ku sheegtay in dalka laga diiwaan geliyey kiisas cusub oo xanuunka Coronavirrus oo gaarayo 47 kiis 24- saac ee tagtay taas oo tirada guud ee dadka xanuunka uu ku dhacay guud ahaan wadanka ka dhigeyso 2,023 .

Wasaaradda ayaa sheegtay in gobolka Banaadir laga diiwaan geliyey 9 kiis  halka 28 kiis maanta laga helay Somaliland, dowlad goboleedka Puntland laga helay 5 xaalaad iyo dowlad goboleedka Jubbaland oo laga helay 5 xaaladood, iyadoo Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug aan maanta laga soo sheegin kiisas COVID-19 ah.

Wasaaradda ayaa dhanka kale xustay in maanta xanuunka dalka uu ugu geeriyooday 1 muwaadin taas oo ka dhigeyso muwaadinkii 79-aad, waxaa xanuunka soo bogsaday 13 bukaan taas oo ka dhigan in xanuunka ay ka caafimaadeen 361 buukaan, kiisas maanta la helay 38 ka mid ah waa Rag halka 9 ka mid ah ay yihiin Dumar.

No photo description available.

Goobjoog News