U bood dhigaalka

Wasaarada amniga oo sheegtay in ay sii wadi doonto howlgalada ammaanka lagu sugaayo

Sheeko:Dalka

Wasaarada ammaanka  Qaranka Xukumada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in  Ciidamada Dowlada ay sii wadi doonaan howlgalada lagu sugayo ammaanka , xili isbedel Nabadgalyo laga dareemayo Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka u hadlay Wasaarada ammaanka Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in ammaanka Magaalada Muqdisho ay ka qayb qaateen in isbedelada dhimaca ammaanka ee Magaalada ka jira.

Maxamed Yuusuf waxa uu tilmaamay in Ciidamada  Dowlada Federaalka xili kasta diyaar ay u yihiin ilaalinta iyo sugida ammaanka Magaalada  Muqdish.

Hadalka Afhayeenka ayaa ku soo beegmaayo xilli ammaanka magaalada Muqdisho uu soo wanaagsanaanay todobaadkii lasoo dhaafay isla markaana qaraxyada ay yaraadeen.