U bood dhigaalka

Wasaarada Ciyaaraha Hirshabelle Oo Bilowday Horumarinta Garoomada Isboortiga

Sheeko:Cayaaraha

Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada isboortiga Maamul-Goboleedka  Hirshabelle ayaa ka bilowday magaalada Jowhar barnaamij lagu horumarinayo garoomada kubbada kolayga oo dib u dhac weyn ku yimid sanadihii la soo dhaafay.

Wasiirka Wasaarada ciyaaraha Hirshabelle Cabdi Qani Cabdulahi Hilowle ayaa ka qeybgalay howl lagu nadiifinayay garoonka kubbada koleyga ee magaalada Jowhar kaas oo sanadihii la soo dhaafay aan lagu ciyaarin tartamada kubbada kolayga.

Howlaha nadiifinta ah ayaa waxaa ka qeybgalay qaar kamid ah dhalinyarada magaalada Jowhar iyadoo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen ciyaartoydii caanka ku ahayd ciyaarida kubbada kolayga una ciyaari jirey xulka kubbada kolayga gobolka Shabeelaha dhexe.

Siciid Xagar Camalow iyo Yuusuf Ibraahim “Yuusuf Dheere”oo kamid ahaa ciyaartoydii siddeetameeyadii u ciyaari jirtey xulka kubbada kolayga Shabeelaha dhexe ayaa ka sheekeeyay taariiqdii hore ee kubbada kolayga gobolka iyo maanta meesha la joogo.

“Xulka kubbada kolayga wiilasha Shabeelada dhexe waxay labo jeer galeen kaalinta 2aad ee tartanka ciyaaraha gobolada halka xulka gabdhahana ay siddeed jeer ku guuleysteen kaalinta 1aad tartanka ciyaaraha gobolada.”ayuu yiri Siciid Xagar Camalow oo la hadlay warbaahinta.

“Gobolka Shabeelaha dhexe waxa uu ahaa gobolka kaliya marka laga reebo caasimada dalka ee Muqdisho ay ka dhisnaayeen kooxaha kubbada kolayga heer koowaad ah ama Seria A,naadiyadii ka dhisnaa waxaa ka mid ahaa Somalitex ee warshada dharka Balcad oo markii dambe loo bixiyay kooxda Sancada.”ayuu yiri Yuusuf Dheere.

Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Maamul-Goboleedka Hirshabelle Cabdi Qani Cabdulahi Hilowle oo laftiisu ka mid ahaa xdigihii soo dheelay kubbada kolayga ayaa sheegay in Hirshabelle ay bilowday barnaamij loogu magac daray “Horomarinta Hirshabeele” taasoo ah mid lagu doonayo in lagu hormariyo deegaanada uu ka kooban yahay Gobolka.

“Wasaarada ciyaaraha Hirshabelle waxa ay qorsheynaysaa in ay dayactirto ku samayso garoomada kala duwan ee ciyaaraha degaanka si shacabka iyo dhalinyarada deegaanka ay u helaan fursadihii soo maray waqtiyadii iminkana anaga ayaa bilaawnay isku tashi”waxaa sidaas warbaahinta u sheegay Cabdi Qani Cabdulahi Hilowle oo ka mid ahaa xidigihii kubbadda Kolayga Jeenyo iminka ah wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Maamulka Hirshabeele.

Si kastaba Wasiir Cabdiqani ayaa bishii lasoo dhaafay Janaayo mar kale kusoo laabtay wasaarada ciyaaraha waxaana lagu xasuustaa intii joogay waasaarada ay qabatay shaqooyin badan tani waxa ay ka mid qorshayaasha horomarinta isboortiga deegaanada Hirshabeele