Wasaarada Ciyaaraha Jubbaland Oo Dib U Dhigtay Qabashada Doorashada Xiriirka Kubbadda Cagta

Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Maamulka Jubaland Mudane Cusmaan Xuseen Xaaji Fayruus ayaa soo saaray warqad ay ku cadahay xiliga dhabta aha ee laqaban doono Doorashada Guddoomiyaha Xiriirka Kubbada Cagta Jubbaland
Wasiirka ayaa sheegay inta doorasho ay ka dhaceyso aan wax shaqo ah la qaban karin,warqada kasoo baxday xafiiska wasiirka Ciayaraha iyo Jubaland ayaa u qorneeyd sida tan
“Kadib markaan darsey xaalada guud ee ciyaaraha Jubaland,Kadib markaan arkay cabashooyin badan oo kadhashay qabsoomida DoorashadaGuddoonka Xiriirka kubada cagta Jubaland,Waxaan si rasmi ah u go’aamiyay in doorashada Gudoomiyaha Xiriirka kubada cagta Jubaland dib loo dhigo, ayna ku dhicidoonto mudo 45 cisho gudohoodda” ayuu lagu sheegay qoraalka ka soo baxay xafiiska Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Jubaland Mudane Cusmaan Xuseen Xaaji Fayruus .
sidoo kale qoraalka ay lagu sheegay in Gudiga xiriirka Kubada cagta Jubaland ee mudo xileedkooda dhamaadey in aan wax shaqo ah qaban karin ilaa ay doorashada ka dhaceeyso

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Jubaland

Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Jubbaland Oo Kulan La Qaatay Madaxa Kooxaha Jubbaland

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW