Wasaaradda Shaqada Oo Shaqo Abuur u Sameyneysa In Ka Badan 35 Kun Oo Dhallinyaro Ah

Wasiir ku xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Casiis Saalax ayaa sheegay in wasaaraddu ay qorsheynayso in sanadkaan ay shaqo abuur u sameyso dhallinyaro gaareysa 35,940 (Soddon iyo Shan Kun, Sagaal Boqol Iyo Afartan), taasi oo uu tilmaamay in sanadkaan la bilaabayo, shaqo abuurkaasina laga sameyn doono Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.
Waxa uu sheegay wasiir ku xigeenka in dhallinyarada oo ah laf dhabarta dalka ay ku dedaali doonaan ineysan badaha ku cararin, ama fikrado qaldin lagu shubin, sidaasi darteedna shaqooyin loo abuurayo.
Si loo helo shaqo abuurkan ayuu sheegay in dowladda looga baahan yahay iney bixiso dhaqaale ku aadan sidii loogu maalgelin lahaa waxyaabaha dhallinyaradan shaqada looga dhigayo.
“Annaga siyaasaddeena ugu weyn ayaa ah inaan ka hortagno dhallinyarada badaha ku dhammaanaya iyo kuwa sida qaldan loo isticmaalayo, inta badan dadka Soomaaliyeed waa dhallinyaro, waxaan rabnaa inaan shaqo u abuurno 35,940, waa inaan ka helnaa dowladda xoogaa yar oo maalgelin ah, si loo maalgeliyo mashaariicda yar yar sida Beeraha, Kalluumeysiga iyo iney wax ka qabato dowladda Farsamadii gacanta” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.
Sidoo kale wasiir Saalax ayaa ku celceliyey in juhdi weyn ay ku bixin doonaan sidii dhallinyaradan shaqada loogu abuuri lahaa, mudo sanad ah gudahiis, ayna jiraan sidoo kale hay’ado arrintan ka caawin doona.
Goobjoog News
Ouehby zbpttq Cialis next day delivery generic cialis canada
Uzjnoa qpjgbp Viagra brand cialis manufacturer coupon 2019
Ehipnf mqyott Buy now viagra buying cialis cheap
Qdbbxz tfyrne Approved cialis pharmacy best online pharmacy
Xmhcxg dxcksl Best price viagra online canadian pharmacy
Eybndz woehrn canada online pharmacy Htghl