U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Galmudug oo Bilaabeysa Wajiga Labaad Ee Xareynta Maleeshiyaadka

Sheeko:Amniga
Wasiirka Amniga Gudaha, wasiirka Dekedaha iyo kaluumaysiga, wasiirka Bay’ada iyo horumarinta reer Miyiga iyo saraakiil kale ayaa maantay booqasho ku tagay xerada Dhaanka-roone ee dhacda duleedka Galbeed ee Galinsoor iyo xero kale oo ku taalla duleedka Cadaado.

Wafdiga wasiiradaa ayaa qorshaynaya wajiga labaad ee xareynta maleeshiyaadka iyo gaadiidka dagaal ee ay wataan kuwaasoo qeyb ka ah hawlgalka tababarka Ciidamada daraawiishta Galmudug.

Wasiir Axmed Macalin fiqi iyo wafdiga la socda ayaa maalmihii dambe deegaannada Galmudug ka waday wajiga koowaad ee  xareynta maleeshiyaadka iyo hubkooda,  oo wasaaraddu sheegtay in tababar iyo dhaqan celin loo sameyn doono si ay uga mid noqdaan dhismaha ciidamada maamulka.Image may contain: 2 people, people standing, sky, outdoor and nature Image may contain: 2 people, people standing and outdoor Image may contain: 4 people, people standing and outdoor Image may contain: 5 people, people standing, sky and outdoor Image may contain: 7 people, people standing, beard and outdoor

Goobjoog News