U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Galmudug Oo Cadaado Kula Wareegtay Hub iyo Maleeshiyaad

Sheeko:Amniga

Wasaaradda Amniga Gudaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta hub, gawaari dagaal iyo maleeshiyadii saarneed kula wareegay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, taas oo qeybka ah qorsha wasaaradda ee uruurinta maleeshiyaadka ku sugnaa Galmudug si loo qarameeyo.

Wasiirka Amniga gudaha Axmed Macalin Fiqi oo goobta kula hadlay maleeshiyada ayaa sheegay in ay ka mid noqon doonaan askarta loo diyaarinaayo in ay noqdaan Daraawiishta Galmudug, waxaana uu intaas ku daray in tababar ciidan iyo xuquuqna ay heli doonan wixii maanta ka dambeeyo.

Qorshaha wasiir Axmed Fiqi ee ku aaddan xareynta maleeshiyaadka oo kasoo billaawday magaalada Gaalkacyo oo dadka deegankana aad usoo dhoweeyeen ayaa u muuqdo mid xal waara u noqon karo xaaladda amni ee Galmudug iyo xoreynta deegaanada ka maqan gacanta maamulka Galmudug.

Goobjoog News