U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Galmudug oo Faahfaahisay Wejiga Labaad Ee Xareynta Maleeshiyaadka

Sheeko:Amniga

Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa faahfaahisay xarenta maleeshiyaadka maamulkaasi oo wejigii labaad laga bilaabayo gobolka Galgaduud.

Wasiir amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in la gaaray waqtigii maleeshiyaadka laga xareyn lahaa gobolka, waxaana uu hadalkaan yiri xili uu ku sugnaa xerada Dhaanka-roone ee dhacda duleedka Galbeed ee Galinsoor iyo xero kale oo ku taalla duleedka Cadaado” Waxaa noo bilaabanayo oo aan gudagalaynaa, xareynta ciidamada Daraawiishta iyo gaadiidkooda, waxaan sahan ku nimid xero kamid ah xeradii uu lahaan jiray xoogga dalka, gaaska 12-aad, kutalla meel Cadaado iyo Galinsoor dhexdooda ah, waa xiro istiraatiijig ah, waa meel ay qabaa’illo badan ay iska galaan” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wasiirka oo sii hadlayo ayaa yiri” Waxaa u dhowaa meelahaan  meelo ay dhibaatooyin badan ay ka dhicijireen oo qaabaa’illo badan oo iska soo horjeedo ay deegaan u aheyd xudun, marka maanta waxaan sahminay oo eegnay xeradaan, waa xero u diyaarsan in ciidamo degaan horayna loogu diyaariyey, dadkii qubarada ahaa ee ciidamadii xoogga dalka ay horay u sahmiyeen, geedaha ku yalla gadaasheenna bakhaarkii ayaa ah” ayuu hadalkiisa ku soo gaban gabeeyey wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa wajigii koowaad ee xareynta ciidamada ka soo bilowday gobolka Mudug, halkaasi oo ciidamadii ku sugnaa tabar looga furay xerada Indhoqaris ee duleedka magalada Gaalkacyo.

Goobjoog News