U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Galmudug oo Guddi u Saartay Baaritaanka Shaqaaqo Ka Dhacday Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Wasaaradda Amniga Gudaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa guddi u saartay baaritaanka sababtii ka dambeysay shaqaaqo, magaalada Dhuusamareeb ku dhex martay ciidamo kawada tirsan xoogga dalka.

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Moalim Fiqi ayaa ugu baaqay ciidamada in ay ilaaliyaan xasiloonida deegaanada ay ka hawlgalaan iyo sumcadda ciidamada qalabka sida.

“Wasaaradda Amniga Gudaha Gamudug waxey u saartay guddi baaritaan iyo xaqiiqo raadin ah shaqaaqo iyo gacan ka hadal muddo kooban ku dhexmartay laba ciidan maantay magaalada Dhusamareeb, Wasaarardu waxey ciidamada ugu baaqaysaa in ay ilaaliyaan xasiloonida deegaanada ay ka hawlgalaan iyo sumcadda ciidamada qalabka sida” ayuu yiri Axmed Moalim Fiqi.

Guddiga wasaaraddu arrintaan u xilsaartay wuxuu soo baari-doonaa sababta keentay isku dhacaas iyo haddii ay jirto dhibaatooyin bulshada ka soo gaaray shaqaaqadaas.

Goobjoog News