U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Galmudug oo Hub iyo Ciidan Kula Wareegtay Balanballe

Sheeko:Amniga

Madaxwynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor”, madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo wasirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa oo goobjoog ka ahaa wareejinta hub iyo ciidan ay la haayeen beel kamid ah kuwa dega degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Qoorqoor oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in arrintaan ay daba joogto sidii Galmudug looga uruurin lahaa hubka iyo ciidanka beelaha, si ay bilow ugu noqdaan aasaaska ciidamada daraawiishta Galmudug, isaga oo intaas ku daray in hubka ku jira gacmaha beelaha uu qalqal amni ku yahay bushada degan Galmudug dhexdeeda.

” Siyaasadda cusub, Galmudugta cusub, in hubka ay beeluhu heystaan ee sida gaarka ah ay u isticaalayeen, oo in badan amniga qatar ku ahaa, siyaasaddii iyo go’aankii laga qaatay loo hoggaansamay, lagu dhaqmay, meelo badana la soo wareejiyey hubkii, galabtana beel kamid ah beelaha reer Galmudug ayaa  wareejisay kii ay gacanta ku heysay. Waxaa ay noo tahay Istiraatiijiyuad laga gaaray iyo qorshihii Galmudugta cusub ” ayuu yiri madaxweyne Qoorqoor.

Dhinaca kale wasiirka amniga gudaha Galmudug Axmed Macalin  Fiqi  ayaa sheegay in ciidamada la wareejiyey ay bilow u noqon doonaan kuwii gobolka Galgaduud xoreen lahaa ” Waxaa ay bilow u noqdeen woqooyiga Galgaduud dhulka la yiraahdo, ciidamadii xoreen lahaa , waana ku mahadsan yihiin. Waxaan rajeynaynaa bilowgaas, ciidamada kale ee eeriyadaan jooga iyo gaadiidka kale oo dhan iyagana aan sidaan oo kale maalmaha soo aadan aan wareejintooda aan uga qeyb gali doono. Ciidanka waa la diiwaan gelin doonaan diiwaan ayeey meesha ku geli doonaan, waxaan rabnaa ciidanka iyo gaadiidka Galmudug jooga aysan iyagu difaac isku geline in cadowga guud ee Galmudug ay leedahay, xuduudaha ay leedahay iyo dhulka ay Al-shababka naga heystaan inaan halkaas aan xoogeenna aan ku wajahno” ayuu yiri wasiir amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macilim  Fiqi.

Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay waday qorshaha dhismaha ciidamada Daraawiishta Galmudug, kuwaas oo aas aaskooda laga bilaabayo maleeshiyaadka hubaysan ee ku sugan deegaannada Galmudug, oo wasaaraddu sheegtay in la tababarayo loo samaynaayo oo la dhaqan celinayo , wasaaradda ayaa horay qorshahaanuga soo fulisay deegaanno badan oo dhaca gobolka Mudug ee maamulkaasi.

Goobjoog News