Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo uu wehlinayay wasiirka qorsheynta maamulkaas oo maalmahaan ku suggnaa Muqdisho ayaa maanta xarunta Safaaradda Maraykanka waxaa ay kula kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.
Xubnaha ay la kulmeen wasiirka iyo wafdigiisa ayaa Mareykanka u qaabilsan Barnaamijka Dembi baarista (CIP), xafiiska UNODC iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa ay kala hadleen sidii Galmudug loogu tababar lahaa waaxda dambi barista ee Ciidamada Booliska Galmudug.