U bood dhigaalka

Dowladda Oo Baaraysa Dil Magaalada B/weyne Loogu Geystay Sarkaal Ka Tirsanaa Hay’adda Main Action

Sheeko:Dalka

Waasaradda amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa magacawday guddi baaritaan kusoo sameeya sarkaal u shaqeynayay hay’adda Main Action oo maalin kahor lagu dilay magaalada Baladweyne.

Wasiirka Wasaaradaasi C/risaaq Cumar Maxamed oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in guddigaan uu ka kooban yahay 7 xubnood oo ka kala socda hay’adaha amniga kuna jiro xeer ilaaliyaha qaranka, kuwaasi oo maanta tagi doona magaalada B/weyne.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in la hayo 2 ka mid ah raggii dilkaasi geystay, islamarkaana la baari doono hadii ay jiraan dad kale oo dilka ku lug leh.

Ciidamada wax dilay ayaa ka tirsan ilaalada gudoomiyaha gobalka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax, taasi oo xiisad ka dhalisay guud ahaan magaalada B/weyne.

Guddigaan maanta tagi doona magaalada B/weyne ayaa la filayaa in xal kama dambeys ah ka keenaan wixii dhacay, islamarkaana qaboojiyaan xiisadda ka jirta magaaladaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News