U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga: Hubka Aan Sharciyeesneen Ee Muqdisho Halagu Soo Diiwaangeliyo Muddo 30 Maalin Ah

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay ammar ku aadan hubka aan sharciyeesneen ee yaalla magaalada Muqdisho ayna haystaa shirkadaha kala duwan ee magaalada ka shaqeeya,

Afhayeenka wasaaraddaasi Cabdikaamil Shukri Xirsi oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ugu horeen wasaaradda amniga gudaha ay soo dhaweynayso habka farsamo ee loo qeybsaday amniga gobolka Banaadir ee ah in ciidanka Booliiska la siiyay sugidda amniga Liido illaa iyo Ex-control Afgooye halka ciidanka nabad sugiddana la siiyay waddooyinka kale ee waaweyn kalana ah Wadnaha, Soddanka iyo Warshadaha, cid walbana lagula xisaabtamo meesha ay joogto.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka haysta hubka sharci darrada ah sida kuwa dowliga ah iyo kuwa aan ahayn laga doonayo in ay hubkooda sharciyeestaan muddo Bil ah gudaheeda, kuwa horay u sharciyeesnaa iyana waxaa loo xilsaaray guddi baaraya dhicitaanka waqtigooda.

Waxaa sidoo kale la faray cid walbo oo dooneysay in ay magaalada Muqdisho ka sameyso dibadbax inay is diiwaan geliso.

“Iyadoo la fulinayo go’aannadii iyo qodobadii madaxweynaha iyo golaha wasiiradu ay soo saareen ayaa laamaha amniga heer qaran iyo heer gobolba ay ku howlanaayeen howlgallo lagu xaqiijinayo amniga, iyadoo cadowga umadda Soomaaliyeed laga xureeyay sida aad ogtihiin gobollo iyo meello cusub, sidoo kale wasiirka amniga gudaha oo kormeer ku sameeyay qeybo ka tirsan ciidamada Booliiska iyo nabad sugidda ee ku howlan ilaalinta jidadka ayaa wuxuu sheegay wasiirka inuu wadi doono kormeekaasi, iyadoo la’isla xisaabtami doono, sidoo kale wasaaradda amniga gudaha waxay soo dhaweyneysaa habka farsamo ee loo qeybsaday amniga gobolka Banaadir ee ah in Booliiska la siiyey laga soo billaabo Liido illaa Ex-control, sidoo kale Nabad sugidda la siiyey jidadka waaweyn ee Soddonka, Wadnaha iyo Warshadaha iyadoo lala xisaabtami doono cid walbo meesha loo dhiibay”

“Wasaaradda amniga waxay faraysaa dhammaan dadka haysta hubka sharci darrada ah sida kuwa dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn, sida shirkadaha nooc walbo ha ahaadaan, Hoteellada, goobaha gacansiga, idaacooyinka iyo TV-yada, shirkadaha sida gaarka ah waa inay soo sharciyeestaan hubka ciddii aanu sharci u lahayn, kuwii horay u sharciyeesnaa waxaa loo xil saaray guddi hubin doono dhicitaanka waqtigooda, hay’adaha iyo NGO-ska ku howlan howlaha amniga ee qabanaya siminaaradda ama banaanbaxyo iyadoo aan la ogeynsiin wasaaradda amniga gudaha waxaa la farayaa inay is soo diiwaan geliyaan” ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa dhica kale sheegay in howlgallo guri guri loogu baarayo ay ka socdaan magaalada Muqdisho, kuwaa oo dib faah faahintooda laga soo sheegi doono.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aad u adkeysay amniga magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyay qaraxyadii 26-kii bishaan ka dhacay Nawaaxiga taallada SYL ee magaalada Muqdisho, waxaana amniga Muqdisho lagu wareejiyay maamulka Gobolka Banaadir.

Goobjoog News