Wasaaradda Amniga: Muwaadinka Soomaaliyeed Looma Diidi Karo Inuu Maro Waddooyinka

Wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in muwaadinka Soomaaliyeed aan loo diidi karin inuu maro waddooyinka Muqdisho.

Afhayeenka wasaaraddaasi Axmed Maxamuud Maxamed oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ciidamada amniga laga doonayo iney u dhimriyaan shacabka, ayna soo dhoweystaan si wada shaqeyn looga helo.

“Qofka muwaadinka ah meel walbo inuu maro oo waddooyinka caasimadda dhex maro wax loo diidi karo ma ahan, aniga oo codka wasaaradda amniga ku hadlaya waxaan leeyahay laamaha amniga shacabka Soomaaliyeed haloo dhimriyo, shacabka waa in loo yeero, soo dhoweysanno si aan cadowga ula dirirno” ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeen Axmed ayaa dhanka kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si loo helo amni iyo kala dambeyn.

Mararka qaar ciidamada ammaanka ayaa xira waddooyinka Muqdisho, waxaana waddooyinka qaar loo ogol yahay kaliya iney maraan dadka wata aqoonsiyada dowladda.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW