U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Oo Ka Hadashay Afduub Loo Geystay Haweeney U Dhalatay Jarmalka

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wadaan baaritaanno la xiriira afduub loogu geystay Muqdisho haweeney u dhalatay dalka jarmalka oo u shaqeyneysay hay’adda ICRC.

Afhayeenka wasaaradda Amniga Cabdi Caziiz Xxildhibaan oo la hadlay Goobjoog News ayaa tilmaamay in ay wadaan baaritaanno baadi goo ah, isaga oo dhanka kale caddeeyay in ay gacanta ku soo dhigeen dad looga shakisanyahay arrinta la xiriirta afduubka loo geystay haweeneydan.

“Waxaan soo qabannay xubno lala xiriirinayo ay ka dambeeyeen Afduubka Gabarta, haweeneyda waxaa lagu afduubtay baabuur yar, wasaaradda amniga waxay wataa baaritaan lagu baadi goobayo kooxihii ay afduubtay gabarta wixii faahfaahin ah marka uu soo dhamaado baaritaanka ayaan la wadaageynaa warbaahinta”.

Afduubka  Haweeneydaan ayaa xalay ka dhacay  ayaa ka dhacay xarunta Hey’adda ICRC ku leeyihiin degmada Wadajir, gaar ahaan laami yaraha Zoobe.

Goobjoog News