U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Oo Ka Hadashay Sababta Bajaajta Looga Mamnuucay Wadooyin Ka Mid Ah Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday sababta ka dambeysa in Mootooyinka Bajaajta looga mamnuuco wadooyin ka mid ah magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradaasi Maxamed Yuusuf oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in arrimo amniga ku saabsan looga hakiyay gaadiidkaasi inay maraan wadooyinkaasi.

Waxa uu qiray Afhayeenka in Bajaajta ay magaalada Muqdisho kusoo kordhiyeen shaqo badan, sidoo kalena shacabka ay wax badan u fududeeyeen, laakiin laga doonayo iyaguna kaalintooda inay ka qaataan sugidda amniga.

“Iyadoo la ilaalinaya amniga dadka iyo isku socodka mootooyinka bajaajka oo runtii soo celiyay bilicdii magaalada iyo ganacsi loo baahnaa waxaa loo sheegay in wadooyinka qaarkood ay ka leexdaan maadaama magaalada ay waddo badan tahay sida wadada aada garoonka Aadan Cadde, Bajaajleyda guddi ay leeyihiin ayaa lala shiray, waxaana la shiray ciidamada ilaalada wadooyinka, marka waxaan rajeyneynaa in muwaadiniinteena inay u dhega nuglaadaana amarada kasoo baxaya ciidamada ilaalada wadooyinka, wadooyinka wey badan yihiin, Hal waddo ayaa loo sheegay oo kaliya inaysan marin, laakiin wadooyin badan ayaa dhinacyada ka mara, annaga waan rabnaa muwaadiniinteena sharafta leh inay si qiimo badan ku shaqeystaan, amniga dadka oo dhan ayeey dan ugu jirtaa” ayuu yiri Afhayeen Maxamed Yuusuf.

Dhinaca kale Afhayeenka Maxamed Yuusuf ayaa ugu baaqay dhammaan darawalada kaxeysa Bajaajta in ay lasoo xiriiraan hay’adaha amniga, hadii ay la kulmaan rag wata Dareeska ciidamada dowladda oo misane iyaga ka qaadaya lacago sharci darro ah.

Shalay ayaa qaar ka mid ah Bajaajleyda magaalada Muqdisho waxa ay dibabadbax ka dhigeen Isgoyska KM-4 iyaga oo cabasho ka ah wadooyinka Magaalada qaarkood oo loo diiday inay maraan.

Goobjoog News