Wasaaradda amniga xukuumadda federalka Soomaaliya , ayaa warsaxaafadeed kasoo baxay waxaa lagu sheegay in howgal laga fuliyay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho lagu burburiyay shabakad ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo u qaabilsan dilalka qorsheysan, kadib howlgal ay fulisay NISA, sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay in la qabtay 10 Al-shabaab ah.
“Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo ku duulaya xog sugan oo ay ka heleen shacabka Muqdisho ayaa qaaday hawlgal qorsheysan oo ay ku soo qabteen 10 dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab, ayaga oo sidoo kale la wareegay saddex xarumood oo ay si dhuumaalaysi ah u joogeen, Gaadiid iyo Hub magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri qeyb ka mid warsaxaafadeedka kasoo baxay hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA.