U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Oo Kahadashay Qaraxii Maanta Ka dhacay Muqdisho.

Sheeko:Amniga

Wasaaradda amniga XFS ayaa war kasoo saartay weerar ismiidaamin ah oo barqadnimadii maanta ka dhacay bar koontarool oo ku taalla isgoyska ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa warka qoraal ah ee uu soo saaray waxa ku cambaareeyay qaraxan isagoo balan qaaday inay tallaabo aargoosi ah qaadi doonaan.

“Waxaan Cambaaraynayaa weerarki argagixiso ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana tacsi u dirayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ehelada iyo asaxaabta shacabka ay bartilmaameedsatay argagixisado, Waxaana shacabka Soomaaliyeed u balan qaadaynaa in hay’adaha amnigu qaadi doonaan talaabo amniga dalka gaar ahaan magalada Muqdiaho wax muuqda looga qabanayo hadii alle idmo.” Ayuu yiri wasiir Cabdullahi Nuur.

Alshabaab ayaa sheegtay weerarkan oo ugu yaraan ay ku dhinteen 8 ruux halka aya toboneeye kalena aya ku dhaawacmeen.

GOOBJOOG NEWS.