U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Oo Sheegtay In Guddi Loo Xilsaaray Baarista Wiil Ay Ciidamada AMISOM Ku Dileen Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in guddi ka kooban Shan xubnood ay u xilsaareen baarista wiil 27-kii September ay ciidamada AMISOM ku dileen degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo taliyaha Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa maalintii shalay ahayd waxa ay booqdeen hoyga ehlada wiilkii ay AMISOM dileen.

Waxa ay la kulmeen aabaha dhalay wiilkaasi oo ay u xaqiijiyeen in baaritaan dhab ah lagu sameyn doono dilkaasi.

“Waxaan u saarnay guddi soo baara dilkan, waxaana u xilsaarnay guddi ka kooban Shan Qof oo sameeya baaritaan dhab ah, , in loo cadaalad falo wiilka dhintay iyo reerka uu ka baxay waa mid waajib ah oo na saaran, marka xukuumadda gacan ayay ka geysaneysaa sidii muwaadiniinta ay xuquuqdooda u heli lahaayeen” ayuu yiri wasiirka.

Dhinaca kale taliska AMISOM ayaa sheegay in iyaguna ay wadaan baaritaan ku aadan dilka loo geystay wiilkaasi yar, sida uu Goobjoog News u sheegay Afhayeenka AMISOM korneel Paul Njuguna.

Goobjoog News